Golaha Wakiillada Oo Hal Dabo La’ Ku Meel Mariyey Wasiirro ay Qaar Kamid ah Magacaabistooda Dood Ka Keeneen

0
26

Fadhigii Shalay ee golaha Oo Duuduub Ku Ansixiyey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaallaha Iyo Afar  Wasiir Oo Kale

wasiirrada

Hargeysa(Hubaal)  Golaha Wakiillada Somaliland ayaa  fadhigoodii shalay waxaa ay durduro ku meel mariyeen xubno cusub oo isugu jira wasiirro iyo masuuliyiin dawladeed kuwaas oo dhawaan uu madaxweyne Siilaanyo xilal u magacaabay.   Fadhigii shalay ee golaha wakiillada oo ay kasoo xaadireen 44 mudane oo kamid ah 82ka mudane ee goluhu ka kooban yahay isla markaana uu shirgudoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa fadhiga hor yimi shan  mas’uul oo isugujira hal wasiir, saddex wasiir ku xigeen iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaallaha dawladda, waxaana uu shirgudoonka fadhiga goluhu mudaneyaasha u soo jeediyey codsi odhanaya in aan la kala qaadqaadin codaynta masuuliyiintan balse duuduub lagu meel mariyo, codsigaas oo mudaneyaasha fadhiga kasoo xaadiray ay hawraarsan ku qaabileen.

 Xubnahan la ansixiyey ayaa kala ah wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Eng; Xuseen Aadan Cige, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Naasir ay Jeex Iyo Waliba Gudoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Maxamuud Cabdlahi Xarbi iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka  gaashaandhiga Maxamuud Warsame Jaamac oo isagu dabcan ah wasiirka ugu da;da yar ee golaha xukuumadda ka mid noqda isla markaana markii la magacaabay ahaa xubin golaha deegaanka ee Ceergaabo katiran, hase yeeshee dallacsiinta madaxweynuhu ugu magacaabay wasaaaradani waxaa ay guux iyo dood ka dhe abuurtay golaha wakiillada ka hor intaanu shalay hor iman, iyaga oo mudaneyaasha qaarkodo ay doodda diidmadooda ansixinta wasiir ku xigeenkan ku sallaynayeen in aanu sharcigu  kamid noqoshada golaha wasiirradu u banaynayn wasiirkan maadaama oo aanu buuxinin qaar kamid ah shuruudaha aasaasiga ah ee looga baahan yahay masuulka xilka ka qabanaya golaha wasiirrada, shuruuudahahaas oo ay kamid tahay ta da’da qofka wasiirka noqonaya oo  ay xildhibaannada diidanayaa sheegeen in ay tahay 30 jir iyo wixii ka weyni in uu xilkaas qabto, hase yeeshee aanu wiilkan la magacaabay ee xildhibaanka golaha deegaanka Ceerigaabo hore u ahaan jiray ay da’diisu tahay 27 jir.  Si kasta oo ay arrintu tahayba tan iyo markii hadal haynta diidmada  ansixinta wasiirku xigeenka gaashaandhigu soo shaac baxday waxaa indhaha ra’yul caamka siyaadadda u dhuun daloollaa ay isha ku hayeen waxa ay kala mutaan golaha wakiillada iyo wasiirkani iyo  sida ay wax u meel maraan, hase yeeshee shalay ayay ahayd markii ay mar kaliya is bedeleen xildhibaannadu iyagoo aamusnaan  ku meel mariyey masuuliyiintii uu kamidka ahaa wasiirku ku xigeenku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here