Golaha Wakiillada Oo Mar Labaad Soo Celinaya Mooshinkii Hoos U Dhigayay Xil Ka Qaadista Maayarrada

0
31

Hargyesa (Hubaal)- Guddi hoosaadka Ilaalinta iyo daryeelka Hantida Qaranka ee Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa wacad ku maray inay dib u soo celin doonaan mooshinkii wax ka bedelka xeerka dawladaha hoose ee dorraad ku dhex saqiiray Golohooda.
maxamed cali xirsiGuddoomiyaha Guddidaas Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Iyo Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa sheegay inay soo celin doonaan mooshinkaasi oo aanay ka hadhayn illaa inta laga ansixinayo, waxaanay soo bandhigeen sababaha keenay in wax ka beldel lagu sameeyo xeerka dawladaha hoose ee golaha wakiiladu diideen.

Mooshinkan oo lagu laalay Fadhi ay   yeesheen Golaha wakiiladu oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, isla markaana ay ka soo xaadireen 50 xildhibaan, ayaa waxa diiday 25 xildhibaan, waxa ogolaaday 22 xildhibaan, kaas oo sidaas lagu diiday in uu ansoxo.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obaama) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha keenay in mooshinkan ay soo dhigeen uu saqiiro oo ay diidaan golaha wakiiladu iyo sabaha ku kellifay inay soo diyaariyaan wax ka bedelkiisa.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Md. Maxamed Cali Xirsi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waxyaabaha gole ahaan naga horyimi guud ahaan waxa ka mid ah maayarradu ay diideen inay la kulmaan Golaha Baarlamanka ee shacabka ka wakiilka ah ee u yeedhayey wasiirrada, guddoomiyayaasha iyo cid walba ayey maayarradu yidhaahdeen la kulmi mayno, waxay ahayd arrin fajiciso nagu noqotay, waxaannu u yeedhnay Wasiirka Daakhiliga oo isna waxa uu yidhi aniga ha ii dhaafina waa shaqaalahaygee, waxaannuna u qornay ilaa saddex warqadood oo aannu kaga dalbanayno inuu noo sheego sharciga diidaya in maayarradu la kulmaan Baarlamanka, laakiin ilaa hadda wax jawaab ah kama hayno. Sidaa darteed, annagoo eegayna danta Qaranka, ta dadka masaakiinta ah ee cashuurta laga ururiyo, waxay nala noqotay inay muhiim tahay in kaabis lagu sameeyo Xeerka Lr.23.”

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Golayaasha degaannadu waa gole muhiim ah oo qaada lacag, oo sameeya miisaaniyad, lacag qadarkeedu yahay 27 milyan oo dollar ayaa ka soo baxaya golayaasha degaannada dalka sannadkii, miisaaniyaddaasi ansixinteeda iyo xisaab-xidhkeeda midna lama horkeenno Golaha Wakiillada, cid allaale iyo cid og golihii dhammaan ee qaranka loo soo doortay sida loo kharash-gareeyo miisaaniyaddaasi ma jirto. La xisaabimaayo, la eegimaayo, oo soo horfadhiisanmayno Baarlamanka waxay nala noqotay inay tahay dawladdii oo la xumaynayo, habkii dimuqraadiga ahaa oo la xumaynayo, lacagtii ummadda iyo hooyada cadceedda fadhida laga qaadayey oo aan la ogolayn in Baarlamanka lagaga hor jawaabo ayey nala noqotay. Fikradda la aaminay ee ah in aan si sahlan xilka looga qaadin maayarrada inta marka hor si fudud lagu doorto waxa ninkii maayarka ahaa uu kelidii maamulayaa 3 ama 5 milyan oo dollar, waxay taasi keentay in maayarkii uu golaha deegaanka ka tago xildhibaannadii doortay tiro yar ka wato oo aanay shirin, isuna iman oo aanay kalfadhiyadoodii qabsoomin intooda badan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

Guddoomiyaha Guddida Daba galka Musuqmaasuqa oo sharaxaya daraasaddii ay ku soo ogaadeen baahida ku kelliftay wax ka bedelka xeerka waxa uu yidhi  “Waxaan u mahadcelinayaa maayarrada degmooyinka intooda badan ee aan ka qaybqaadan dhexgalka lagu sameeyye Golaha Wakiillada maanta, intooda badan ee qaatay ama aqbalay ee yidhi waxa Baarlamanku soo gooyaan ayey noogu dhan tahay, waxaannu aad uga xunnahay kuwa soo dhexgalay ee ka ololeeyey mooshinkan. Haseyeeshee, waxaannu u sheegaynaa in annagu guddi ahaan iyo gole ahaanba inta jecel inay qaranka u shaqayso marnaba aannaan ka daalayn cod nalagaga badiyey oo danta qaranka lagaga leexanayo. Waxaannu halkan ka ballanqaadaynaa oo aannu iminkaba bilownay in mooshin kale oo isla qodobkan ah in aannu soo dhignay oo ay saxeexeen 11 xildhibaan oo waqti kasta aannu soo dhigayno intaan golaha la fasixin, kaasi oo aannu ku sii wadanayno wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerkan ilaa ay kala daalayaan kuwa lacagta qaata iyo kuwa bixinaya, waxaanna u sheegayaa kuwa laaluushka bixinaya ee golaha la dhex wareegaya, kuwa baloogyada dhulka ah bixinayaa in aanay naga joojin karin intayada jecel in qarankani meelgaadho.”
Dhinaca kale Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo isaguna warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay soo celin doonaan mooshinkaasi oo aanay ka hadhay illaa inta laga ansixinayo, waxa uu yidhi “Waxa jiray qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka dalka qaar oo Olole ka galay in aan la ansixin xeerkaasi, kuwaas oo kulanmo kula yeeshay huteelada qaar xildhibaanada wakiilada oo ka Ololeeyey, markaa waxaanu aragnay baahida loo qabo oo aanu soo ogaanay, markaa waxaan idiin sheegayaa in aanaan ka hadhay mooshinkaasi ku saabsan in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka dawlaha hoose, kama hadhayno mar iyo laba toona kama hadhayno waanu soo celinaynaa”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here