Golaha Wakiillada Oo Markii U Horeysay Muddo 10 Sano Ah Lahor Keenay Xisaab-Xidh + Mudanayaasha Oo Duuduub Ku Meel Mariyey Xisaabxidhka 6 Sano (2008-2013) Iyo Xildhibaano Arrintaas Qaylo-Dhaan Ka Muujiyey

0
26

Hargeysa (Hubaal)-Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Somaliland ayaa maanta hannaan duuduub ah ku meelmariyey Xisaab-xidhka Miisaaniyad sanadeedyadii 2008 ilaa 2013-ka oo ah Xisaab xidhada muddo 6 sanno ah, waxana arrintaas si weyn uga biyo diiday Mudanayaasha qaarkood oo sharcidarro ku tilmaamay.

Fadhiga oo uu Gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka soo xaadiray 59 mudane, waxaana cod loo qaaday Xisaab xidhyada Ogolaaday 43 mudane, Waxaa diiday 13mudane, Waxaana ka aamusay 2 mudane, Gudoomiyuhuna ma codayn, sidaasna way ku ansaxday.

Xisaab-xidhkan golaha la hor keenay Maanta ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee golaha la hor keeno muddo Toban sano oo golahu uu jiray islamarkaana si duuddub ah ay mudanayaasha golahu ku meel mariyeen.

golaha wakiiladaMudaneyaal Mucaaradka ka tirsan oo ka dib kulanka hadlay ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid si kadis ah loo soo dhigay islamarkaana ay haboonayd in dood la galiyo lana soo akhriyo. waxay sheegeen inay ka muuqdaan madmadow muujinaya Musuqmaasuq oo ku jira xisaab xidhada.

Gudoomiyaha Guddida dabagalka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka Maxamed Cali Xirsi(Obama), ayaa sheegay inay tahay markii u horaysay ee 10 sanno oo goluhu jiray la keeno Xisaab xidh, haddana la majaro habaabiyay. waxa uu sheegay inaan madmadowga iyo khaladaadka xisaabeed ee ku jiray Xisaab xidhku ahayn mid qof Alle ka cabsanayaa farta u taago balse si sharciga baalmarsan loogu codeeyay.

“Xisaab xidhka Macnihiisu waxa weeye, in Miisaaniyaddii Goluhu ansixiyay sanadkii hore sidii Loo Isticmaalay xeerkii ma loo raacay?, Siday ahayd ma u soo baxday? Su’aalahaas ayuu Xisaab xidhku ka jawaabayaa. Waa Qodob dastuuri ah oo Golaha u yaala inuu Goluhu ansixiyo ama wax ka bedelo ama uu diido. Waa markii u horeysay ee 10-kaas Sannadood ee goluhu jiray uu Qodobkaas dastuuriga ah u soo fadhiistay ee uu wax ka eegay, waligii Golaha Xisaab xidh lama keeni jirin ee Guddidan ayaa keentay oo ka soo shaqaysay in Goluhu eego siday u eegtahay Xisaab xidhkani” Ayuu yidhi Xildhibaan Obama

Mudane Maxamed Cali Xirsi waxa uu sheegay inaan Xisaab xidhadan lagu samayn wax akhris iyo falanqayn ah “Waxa dhacday in Xildhibaano aan akhriyin la soo Ururiyay Xalay oo la yidhi farta u taaga. waxaanu qabnaa inay arrintaasi tahay Inqilaab Xisaabeed oo meesha ka dhacay, waxaanu qabnaa inaanu haba yaraatee Goluhu ku shaqayn karin shaqada noocan ah, waxaanu qabnaa in eedaha ugu waaweyn ee Golaha saarani tahay waxyaabaha noocaas ah.Nin dhan oo Masuul ah oo la soo doortay oo hadduu doono aan iman jirin Golaha oo inta loo yeedho la odhanayo kaalay farta taag waxaan arkaa inay tahay Masiibo golaha haysata. waxaanu leenahay Qaranku ha arko,Bulshadu ha aragto lama ogola in Goluhu shaqeeyo,Guddi shaqaynaysa oo samcadda Golaha ilaalinaysana lama ogola” ayuu yidhi Xildhibaanku

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here