Shirguddoonka Golaha Wakiillada Iyo Xubno Guddida Joogtada Ee Golahaas Ka Tirsan Oo Shalay Xafiiskooda Kula Kulmay Shakhsiyaad Uu Cali Marreexaan Ka mid Yahay
Hargeysa (Hubaal)- Golaha wakiillada Somaliland ayaa raalligelin ka bixiyey eedo ku jiray warbixin uu guddoomiyaha guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golahaasi dhawaan shaaciyey taasoo uu ku sheegay in xubno uu ka mid yahay wasiirkii hore ee hawlaha guud ee xukuumaddii Siilaanyo Mr. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) iy shirkado kale ku kaceen musuqmaasuq. Xil. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo kamid ah xubnaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada oo shalay isaga iyo Wasiir Cali marreexaan warbaahinta kula hadleen barxadda hore ee golahaasi kadib shir ay wada qaateen xubno golaha ka tirsan oo shirguddoonku horkacayo oo dhinac ah iyo wasiir Cali Marreexaan iyo qaar kamid ah shirkadihii iyo shakhsiyaadkii warbixintu eedaysay. Waaxana xildhibaan Cabdiqaadir Jirbiil oo sharraxaya raalligelinta golahoodu ka bixinayo arrintaasi uu yidhi “barnaamijkii ay guddida dabagalku ka hadleen ee musuqmaasuqii waxaa looga baahnaa cadaymo badan inays oo bandhigaan oo uu goluhu inuu ku qancay xisaabxidhka sanadkaas cadaynaysa, waxaana hadaba jirta cabasho badan oo ka soo noqotay waxyaabo badan oo gudidu ka hadleen, guud ahaan dhaliilo way iska jireen laakiin inta ka cabanaysa waanu ka raalligelinaynaa ooo uu wasiir Cali Mareexaan kamid yahay”. Ayuu yidhi Xil Cabdiqaadir Jibriil geesta kale Cali xasan Marreexaan wasiirkii hore ee hawlaha guud oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Halkan golaha wakiillada anigaa ayaa saaka [shalay] imi oo shirguddoonka iyo golahaba aniga ayaa u imi oo waan ka tirsanan jiray oo waad I garanaysaan baan filayaa sababtuna waxay ahayd arrintaa uu xildhibaanku ka hadlay, aniga oo qudhana maaha ee shirkado badan iyo dad badan oo muwaadinin ah oo cabanayaana way yimaadeen, ujeedaduna warbixintii uu maalintii dhawayd xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire golaha ka jeediyey bay daarran tahay”. Ayuu yidhi Cali Marreexaan, waxana uu intaa ku daray waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo shirguddoonka goluhu “runtii aniga iyo shirguddoonku arrimo badan baanu ka wada hadalnay oo waxaanu isla garannay in aanay arrintaasi ahayn warbixin xaqiiqo ku fadhida ee ay ahayd wax ama iska siyaasadaysan ama lagu degdegay. Waxaanan anigu mar labaad halkan ka sheegayaa in wixii uu sheegay aanay wax jira ahayn, Qofku markuu mas’uul yahayna ama muwaadin yahay ama shirkad yahay wuxuu xaq u leeyahay markaad doonayso inaad halkan (Golaha wakiillada) ka sheegto inaad marka hore waraysato dadkii oo dhan ee lagu soo qoray ee todobaatanka qof ahaa qof bina’aadam ah oo wax la waydiiyay waa la waayay” sidaas ayuu yidhi Wasiir hore Cali Marreexaan.
Cali Marreexaan waxaa kale oo uu sheegay in uu maxkamad la tiigsan doono xubnihii guddida ilaalinta hantida iyo dabagalka ee golaha wakiillada, kuwaasi oo eedaymaha la xidhiidha musuq-maasuqa usoo jeediyay.