Xildhibaanno Ka Tirsan Guddi-hoosaadka Dhaqaallaha Ee Golaha Wakiillada Oo Kormeer Ku Tegey Suuqyada Sarrifka Hargeysa Iyo Xarunta Bangiga Dhexe+ Farriin Boggaadin Iyo Boorrin Ah Oo Ay Baanka Iyo Bulshada U Kala Direen
Hargeysa(Hubaal) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah guddida dhaqaalaha golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay socdaal indho indhayn ah ku tagay Suuqa Sarrifka, bacadlaha Hargeysa iyo xarunta Bangiga Dhexe. Socdaalkooda ayaa la xidhiidhay u kuur galka saamaynta ay yeelatay lacag doollar ah oo Baanka Dhexe maalmihii u dambeeyay suuqa galinayay si loo xakameeyo Sarrif bararka iyo Sixir Bararka saamaynta taban ku yeeshay bulshada Somaliland.
Xildhibaannada oo markii ay dhammeeyeen kormeerka saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Sarrifleyaasha magaalada Hargeysa u sheegeen in lacagta doolarka ah ee Bangiga Dhexe suuqa soo galiyay dhiig joojin u noqotay Sarrifka oo kor u socday islamarkaana loo baahan yahay in la sii joogteeyo. Waxa kale oo ay sheegeen in ay suuqa indho indheeyeen islamarkaana ogaadeen in ganacsatadu wax ku iibinayso lacagta qalaad ee doollarka taas oo qayb ka noqonaysa sixir bararka loona baahan yahay in bulshadu isticmaasho shillinka Somaliland.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ayaa bulshada iyo ganacsatada ku boorriyay in ay taageeran dadaalka Bangiga Dhexe wado“Waxaanu ka codsanayna ganacsatada, sarrifleyaasha iyo dadweynaha intaba maaddaama Baanku dhaqaaqi koobad sameeyay hawshiina si fiican u bilaabay in la gacan qabto oo iyaguna dhinacooda ka dadaalan oo laga daayo dacaayadaha iyo haddallada lagu kicinayo sarrifka,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay in ay ku dadaalan isticmaalka shilinka Somaliland “Midda kale ganacsatada iyo shacabka waxaan leeyahay haddaan shillinka Somaliland noqon cumladda lagu qiimo goosanayo ee wax lagu kala iibsanayo hawsha la dagaallanka sarrif bararku socon mayso. Halka imika la inaga moodo maxmiyad Maraykan ka mid ah oo wax lagu kala iibsanayo qiimahana lagu goynayo doollarka waa in lagu gooyo laguna kala iibsado Shilinka Somaliland
Xildhibaan Siciid ayaa sheegay in ay u bogeen hawsha uu wado Bangiga Dhexe, islamarkaana guddoomiyaha Bangiga oo ay la kulmeen u sheegay in ay joogtaynayaan lacagta lagula dagaallamayo sarrif bararka. Xildhibaanku waxa uu sheegay in dadweynaha iyo ganacsatadu qayb ka yihiin haddii hawshani fashilanto sidaas awgeedna loo baahan yahay in lala shaqeeyo Bangiga lagana tanaasulo waxyaabaha sixir bararka sii hurinaya.
Geesta kale Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in sarrifleyaashu soo dhaweeyeen dadaalka Bangiga Dhexe wado “Sarrifleyaashii aad iyo aad bay uga mahad sheegteen Baanka iyo wasaaradda Maaliyadda waxay yidhaahdeen ‘ Dhiig Joojin baa lagu sameeyay’ inkasta oo doollarkii yaraaday oo xoolihii aynu dhoofin jirnay is taageen oo halkii doolarku inaga soo galayay yaraatay haddana waxay yidhaahdeen waxaad moodda dhiig joojin ee haddii sidaas lagu wadayo waa Illaahay mahaddii,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac
Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in uu tijaabo ku sameeyay suuqa sida looga isticmaalo Shillinka Somaliland islamarkaana uu ogaaday in la isticmaalo lacagta doollarka “Waxay naga codsadeen in dadweynuhu wax ku iibsado shillinka Somaliland; waxaanu indhahayaga ku soo aragnay bacadlihii waan baayacay oo waxaan ku idhi ‘waar waa imisa malkhabadaasi’ waxay yidhaahdeen waa ‘saddex doollar’ Shalmadaasina? Waa $15, marka wax Somaliland Shilin kuugu sheegaya ma jiro, waxaanu ku nidhi haddii aad Somaliland noogu sheegtan maxa dhacaya? Waxay yidhaahdeen ‘ waxbaba ku iibin mayno’ marka waxaanu leenahay dadka in Shilin Somaliland wax lagu iibsado ayaanu doonayna, ta kalena shaqaalaha, xildhibaannada iyo wasiirraduba lacagtooda Somaliland Shilin ku qaatan waxa Baraka badan Somaliland-ta, doolarka ma lihin ee Somaliland-ta ha lagu shaqeeyo oo suuqa ha la galiyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac