Golaha Wakiillada Oo Wax Ka Ogaaday Aragtida Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ay Shalay Waraysteen

0
121

Hargeysa(Hubaal)-Guddida arrimaha dibadda u qaabilsan golaha wakiillada Somaliland ayaa Arbacadii shalay kulan la qaatay Wasiir xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil Keyse. Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii guddidu u ogaan lahayd aragtiyaha wasiirka ee xilka loo magacaabay iyo aragtidiisa qaddiyadda Somaliland ee citiraaf raadinta. Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda Xildhibaan Kijaandhe, ayaa sharaxay sababta ay ugu yeedheen wasiir xigeenka wasiir kuxigeenka arrimaha dibada axmed kayse“Waa tii wasiir xigeenka dhawaan la magacaabay, markaa waxaanu ugu yeedhnay in intaan la ansixin aanu ka waraysanno sida uu wax u arko iyo arrimihiisa aanu kala sheekaysanno. Wasiirka waxaanu wax ka waydiinay aragtidiisa arrimaha dibadda ee citiraafka ku wejehan, sidaanu u wada shaqaynayno iyo doorkiisa arrimaha dibadda, markaa waxaanu u aragnaa wasiirka nin u qalma shaqada uu hayo warqaddiisana waanu qoraynaa,” ayuu yidhi Mr Kijaandhe.   Wasiir Xigeenka khaarajiga Axmed Aadan Ismaaciil Kayse, ayaa isna kulankaasi ka xog waramay “Xog waranku si fiican buu noogu dhacay, waxay I waydiiyeen citiraafka iyo wixii inooga qabsoomay, waxa kale oo ay I waydiiyeen wada hadalkii Somaliland iyo Somalia halka uu ku dambeeyay iyo waxyaabo badan oo kale sidii aanu halkaas uga sii ambaqaadi lahayn,” ayuu yidhi wasiir xigeenku. Wasiir xigeenka oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa la filayaa in golaha wakiillada uu hor yimaado si loogu ansixiyo xilka wasiir xigeennimo ee loo magacaabay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here