Hargeysa (Hubaal) Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada JSL oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu ansixiyey 10 wasiir iyo 2 wasiir ku xigeen.
Ugu horayn markii uu fadhigu furmay waxa Digreetadii magacaabistooda, soo jeedintii gudiyada ee masuuliyiinta iyo CV-yadii 12kaas wasiir Mudanayaasha u akhriyey Xoghayaha Guud ee Golaha mudane Cabdirisaaq siciid Ayaanle.
Ka dibna waxa gudoomiyuhu waqti ay ku hadlaan siiyey 10kii wasiir oo mid waliba madasha ka akhriyey sida uu doonayo in uu wax uga qabto wasaarada loo dhiibay isla markaana waxay gole weynaha mid mid uga codsadeen inay u ansixiyaan xilkaas qaran ee madaxweynuhu u igmaday.
Gudoomiye baashe ayaa Cod gacan taag ah u qaaday dhamaan wasiiradii waxaanay mudanayaaashu ugu codeeyeen sidan.;-
No Magaca wasiirka Xilka Joogay Ogolaaday Diiday Aamusay
1 Axmed Muumin Seed W. W. Beeraha 61 59 0 1
2 Abdiweli Sh. Abdilahi W.W. Boosaha 61 58 2 0
3 Hinda Jaamac Gaani W.W. Shaqada iyo A. B. 61 60 0 0
4 Saleebaan Yuusuf Ali W.W. Biyaha 61 60 0 0
5 Dr. Xasan Ismaaciil Yusuf W.W. Caafimaadka 61 60 0 0
6 Xasan Maxamed Cali W.W. Xanaanada Xoola 61 60 0 0
7 Yuusuf Maxamed Cabdi W.W. Horu. Maaliyada 62 61 0 0
8 Yaasiin Maxamuud Xiir W.W. Waxbarashada 62 61 0 0
9 Abdirashiid X. ducaale W.W. Hawlaha Guud 61 60 0 0
10 Sh. Khaliil Cabdilaahi Wasiirka Diinta 61 60 0 0
11 Maxamed Muuse Abees W.kuxigenka W. Warfafinta 62 61 0 0
12 Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka X.Xoolaha 62 61 0 0