Qormo Aad U Dheer Oo Uu Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Toddobaadkan Ku Daabacay Wargeyska Caanka Ah Ee Financial Times
Madaxweynaha 5aad Ee Somaliland Oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Tilmaanta Uu Kusoo Xulanayo Wasiirrada Uu soo Magacaabayo Oo Uu Ballanqaaday Inay Soo Celin Doonaan Kalsoonidii Ay Bulshadu Ku doorteen Hoggaamintiisa
Hargeysa(Hubaal/Gudgude)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu suulin doono musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono kalsoonida shacabka. Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu Golaha Wasiirrada ee uu magacaabayo ku xulan doono aqoon,waayo-aragnimo iyo karti. Qormo dheer oo ciwaan looga dhigay “Caqabadaha Somaliland ay waajahaysaa maaha dhalanteed.” Oo uu Madaxweynaha la doortay Salaasadii ku qoray Wargeyska caanka ah ee Financial Times, taasi oo u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay dimuqraadiyada iyo doorashadii Somaliland, waxa uu yidhi; “Toddobaadkii hore Guddida doorashooyinka madax-bannaan ee Somaliland waxay ku dhawaaqeen natiijadii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November. Waxay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh uga qabsoontay Somaliland, illaa 2003-dii, dadweynaha Somaliland waxay ka qaybgaleen nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinkii nabadgelyada u qabsoomay, kuwaasi oo 60 goobjooge oo caalami ahi caddeeyeen inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah oo ay aqbaleen natiijadii doorashada saddexdii xisbi ee murrashaxiintoodu tartanka galeen.” Waxa kaloo uu intaas ku daray in diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee Somaliland adeegsatay farsamada isha bu’deeda la sawirayo ee loo yaqaanno (iris-recognition technology) uu caddaynayo sida Somaliland ay uga go’an tahay inay jeebadeeda ka maalgeliso hay’adaha dimuqraadiyada iyo isku-xukunka sharciga. Muuse Biixi waxa uu sheegay inay sharaf u tahay isaga in ummadda reer Somaliland u doorteen madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socda. “Waxaa ii sharaf ah in dadka reer Somaliland ii xusheen madaxweynahooda. kooxdayda xiliga kala-guurku waxay bilaabeen shaqo adag oo ay ku diyaarinayaan xaflada caleemo-saarka ee bisha fooda innagu soo haysa qabsoomaysa,”ayuu yidhi madaxweynaha la doortay.
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay in xasilooni darrada ay kooxda Alshabaab gayaysiisay meelaha ka baxsan xadka koonfureed ee Somaliland la wadaagto Soomaaliya iyo facaa’ilka budhcad badeedu ka wadaan xeebuhu, ay Somaliland ku kalifeen inay si adag ula socoto oo ay taageerto dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxahaas. “Maamulkayaga waxa ka go’an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga iyo dadka ajaanibka ah ee degan ama ka ganacsada dalkayaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi waxa uu tilmaamay in caqabadaha dhaqaale ee jiraa ay Somaliland ka dhigeen dalka ugu hooseeya [GDP] wax-soo-saarka gudaha (Gross Domestic Product). Waxaannu intaas ku daray in shaqo la’aantuna marayso heer aad u sareeya, gaar ahaan dhallinyarada, iyadoo Boqolkiiba Toddobaatan bulshada reer Somaliland ay da’doodu ka hooseyso 30 jir.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dooday inuu maalgelin doono kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu abuuri doono fursado shaqo, waxaannu yidhi “Waxaannu rajaynaynaa horumarinta waddooyinka, korontada, dekedihii hore u jiray iyo dekeddo cusub oo laga hirgeliyo xeebtayada dhererkeedu yahay 850km ay suurtogelin doonto koboc iyo isku-dheelitirka dhaqaalahayaga.” “Maamulkaygu wuxuu ku qalabayn doonaa wasaaradda caafimaadka inkaaniyaadka aasaasiga ah, si hoos loogu dhigo heerka dhimashada caruurta. Waxa kaloo aanu ka shaqeynaynaa sidii biyo nadiif ah loogu heli lahaa degaannada miyiga ah,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada, waxaa uu iftiimiyay in waxbarashada la helaa ay hooseyso Somaliland, taasi oo ay kala mid tahay dalalka kale ee mandaqada. Waxa uu carabaabay inay dhiirigelinayaan xoojinta heerta tacliinta sare oo ay samayn doonaan dib u hayn. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay in hagaajinayaan tayada waxbarashada dugsiyada hoose iyo sare. Madaxweyne Muuse waxa uu xusay in maalgashigii DP World ay $442 Milyan gelinayso marsadda Berbera ay tahay mid muhiim u ah dedaalka Somaliland ugu jirto inay dekedda ka dhigto xuddunta ganacsiga Geeska Afrika. “Waxaanu horumarinay ganacsiga aanu la wadaagno dalka isu-tagga Imaaraadka carabta iyo Itoobiya oo aanu sii ballaadhinayno shanta sannadood ee soo socda,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladiisu sii wadayso dedaalka ictiraaf raadinta Somaliland oo uu samayn doono inuu ku xoojiyo qorsheyaal mucayin ah oo ay ka mid tahay inay dalalka la yeeshaan cilaaqaad ku dhisan laba dhinac. Madaxweyneynuhu wuxuu amaanay madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu isku hawlay amaanka qaranka iyo maalgelinta Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi waxa caddeeyay qorshihiisa la xidhiidha suulinta musuqmaasuqa ka jiray Somaliland toddobadii sannadood ee la soo dhaafay. Waxaanu intaas ku daray inuu xiddida u siibi doono oo uu uga shaqeyn doono danta bulshada sida ugu wanaagsan. “Golaha wasiirrada ee aan soo magacaabayo, waxaan ku soo xuli doonaa aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda, kuwaasi ay ka koobnaan doona bulshada Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu balanqaaday inuu soo celinayo kalsoonidii bulshadu ku dooratay.
Source: Warbixintan Waxa Turjumay warkanna Ka Diyaariyey Weriye Cumar Maxamed Faarax