Golaha Wasiirrada Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Meelmariyey Odoroska Miisaaniyaddii Ugu Badnayd ee Abid Qaranku Yeesho

0
25

Gudaha Ka Akhri Meelaha Miisaaniyaddani Muhiimaddaha Gaarka ah siisay

Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa Shirkii golaha wasiirrada ee Maalintii shalay oo khamiis ahayd hordhigtay Odoroska Miisaaniyadda Sanadka  2016-ka, taas oo ay Golaha Wasiirraduna Halkaas ku ansixiyeen.

Odoroska Miisaaniyaddan oo ah tii 24-aad ee Qaranka Somaliland, ayaa  dhan $295,280174, waxana ay 13%(boqolkiiba)ka badan tahay miisaaniyaddii sanadkii hore ee qaranku lahaa.fadhigii golaha wasiirada

Miisaaniyaddan la Ansixiyey waxa  Muhiimadda Koowaad Siinaysaa Nabadgellyada iyo garsoorka, halka kaalinta labaad la siiyey Waddooyinka iyo Biyaha, saddexaad waxa la siiyey caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Afraad waa dhallinyarada iyo shaqo abuurka, kaalinta shanaad oo dhulka iyo Beeraha ah, Kaalinta lixaadna waa dhiirrigelinta wax soo saarka dalka, kaalinta toddobaadna waa tayeyna iyo fidinta maamulka, halka aqoonsigana laga dhigay Kaalinta Siddeedaan, maalingelinta ayaa ku xigta, halka muhiimad la siiyey Dakhliga iyo Hantida Dawladda.

Dhammaanba Xubnihii Wasiirrada ee Joogtada ahaa ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey, waxana Shirkaas goob joog ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Kux-geenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.golaha wasiirada

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa fadhigaas si weyn loogu ammaanay Kaalinta ay ka geysatay Sare-u-qaaddida Miisaaniyadda qaranka, waxana la filayaa in dhawaan Miisaaniyaddan la horgeyn doono Golaha Baarlamaanka oo Dood ka yeelan doona.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here