Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inaanay Sharciga Dalka Meelna Kaga Ool Awood Madaxweynuhu Go’aankii Wakiillada Ku Laalo
Hargeysa(Hubaal) -Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inay Soo Gaadhay Warqad Ka timi madaxweyne Siilaanyo oo uu ku laalay Go’aankii ay Wakiilladu dhawaan ku Diideen Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.
Mudane Cirro oo Saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in Warqadda madaxweynuhu ku deedafeeyey Go’aankii Dhawaan Golaha Wakiilladu ku diideen wareejinta Haamaha Keydka Berbera,“Go’aan buu Goluhu gaadhay madaxweynuhuna waraaq buu soo qoray ay ku qoran tahay inuu Soo Celiyey Go’aankii Golaha, Warqadduna waxa ay timi Hadda, Goluhuna isagaa Go’aan ka gaadhi Doona.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.
Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey in soo celinta Go’aankaas Goluhu hore u gaadhay ee Haatan madaxweynaha ka timi aanay Distoorka meel ku lahayn, isla-markaana aanay jirin qoddobo distoori ah oo qeexaya Hannaanka looga gudbi karo, marka laga yimaaddo Talo uu sheegay in Goluhu isaga iman doono, waxana uu yidhi,“Goluhu waxa uu Madaxweynaha u gudbiyo inuu soo celiyo iyo inaanu Soo celin Distoorka kuma cadda Caadana may ahaan jirin, Waxana ay u baahan tahay in si sharciga waafaqsan uu Goluhu Go’aan uga qaadan doono.”
Hadalkan uu Guddoomiye Cirro ku caddeeyey inay soo gaadhay warqad madaxweynaha ka timi oo Go’aankii lagu diiday Wareejinta Haamaha Keydka Berbera ka dhan ahi, ayaa noqonaya markii koowaad ee Arrintani dhacdo, waxana sida Guddoomiyuhuba sheegay aaan jirin wax qeexaya sida la yeeli doono.
Talaabada Sharciga ah ee uu guddoomiye Cirro sheegay in goluhu ka qaadi doono soo celinta qaraarka golaha ayaa warar madax banaani sheegayaan inay tahay Maxakamadda sare oo ka gar naqda midka sax noqonaya go’aanka goluhu ku laalay heshiis xukumaddu wareejinaysay haamaha shidaalka iyo diidmada madaxweynaha ee go’aankaasi.