Xareed Kaliil wuxu ku dhashay tuulada Gaatama, dabayaaqadii soddomaadkii. Aabbihii Kaliil Guuleed wuxuu dhintay goor qiyaas ahaan ku beegan 1943-kii. Maalmo yar kadib hooyadii waxaa
guursaday Oday hanti haysta magaaladana caan ka ahaa. Xareed way heshiin waayeen ninka hooyadii guursaday. Wax kalana kumay colloobine xoogaa xorriyadda ayuu ka qaaday, oo dhawr goor ayay isku afdhaafeen goor hore soo hoyo, isna wuxu jeclaa in uu tuulada ku habsaamo ama ku dib jiro ciyaaraha ama aroosyadana daba cararo… amarka lagu soo rogay wuu nacay gumaysi ayaanu u qaatay, agoonnimona wuu tirsaday.
Xareed ninka hooyadii guursaday kumuu farxin, hayeeshee hooyadii ayuu ku dhaafay. Laba arrinba wuu ku saluugay: Waa mide bakhaylnimo aanu koobka caanaha leh weligii u shubin, iyo amarkutaaglayn uu ku hayay isaga iyo hooyadiiba.
Iyaga oo sidaa isula caddiban ayaa adeerkii oo reer Cadmeed ahaa farriin soo diray uu ku codsanayo in inanka (Xareed) la soo diro mar haddii uu agoon noqday si tacliin loo baro. Farriintaasi waxay ku saabsanayd Xareed iyo mustaqbalkiisa waxay ku qornayd fartii Cusmaaniyada markii af-Soomaali loo rogayna waxay u dhignayd sidan:
Ku: Aamina Buux
Ka: Ducaale Guuleed
“Aamina waxaan kuusoo dirayaa salaamad ka soo go’day kashka iyo laabta. Waan maqlay geerida walaalkay, ilaahay ha u naxariisto. Wixii hanti uu ka tegay markaad dhaxasho meherkaagiina ka goosato inta hadha Xareed kusoo nooli, si aan tacliin u geeyo agoonka…Ninka farriinta idiin keeni doona waxaan idiinku soo dhiibay arrad tir adiga iyo inanka, iyo xoogaa mood ah. Waxa aan jeclaa inaad ii soo sheegto qaddarka meherkaaga haddii wax kuu baaqi noqdaan si aan moosinka danbe safarka kuugu soo raaciyo. Sidaa iyo nabad gelyo. Nooli kulantee.”
Ducaale
Markii farriintaasi soo dhacday hooyo Aamini way war wareegtay, waxaana maankeeda kusoo dhacay: haddii ay inankeeda beled fog u dirto in aanay dib u arki doonin. Hadana waxa la tusay Xareed oo koray oo tacliin bartay oo iyada ehelkaba an facay. Labadaa arrinba waxay isku hirdiyeen maankeeda. Markii ay gorfaysayna waxay talo ku goysay in ay xaajigeeda arrinka u celiso, waxaanay tidhi:
“Xaaji yarka Xareed adeerkii baa yidhi ii soo dir, ee ka waran hadaan Cadan u diro?” Meel aan rabay roob ma igu helay; xaajigu arrinkaa wuu u riyaaqay waanu soo dhaweeyay wuxu jeclaaday in waslada reerka ku dheeraadka ah laga saaro oo uu markaas isagu reerka isku dubo rito isaga oo faraxsanna wuxu ku jawaabay:
“Haa inanka tacliin ku dar berri ka maalin waynu u aayi oo intifaacsan, aduunka maanta cilmi baa haga”
Waa beentiisa arxan uu u hayaa ma jiro wuxu rabaa in si deggan hawlihiisa u maamusho reerkana isku dubbarrito. Islaantu saygeeda ha ixtiraanto laakiin taladiisa way ka fekertay. In ay inankeeda beledshisheeye ku madallufiso way ka fiirsatay, arrinkiina waxay kula eeratay abtigeed oo Cadmaawi ahaa bal in ay war bixin ama khibrad mid uun ka hesho. Galab intaanu xaajigeedu soo carraabin ayay u dhukustay gurigii abtigeed. Waxay u tagtay odaygii oo ardaa guriga xoogaa u jira doonyaystay, wuxu ku fadhiyaa qadiifad midabyo kala geddisann leh, hortiisa waxaa qotonta falaas dheer, dhinaca midigna waxaa ka yaalla kitaab, Masalle iyo sibitoor. Is bariidin iyo xaalad guud ka dib waxay Aamini bilowday ujeedada socdaalkeeda, waxaanay hadalkeeda ku bilawday sidan:
“Abti galabta waxaan kuugu imi arrin qoyska la soo dersay, yarkii agoonka ahaa ee Xareed ayaa dhoof u soobaxay. Adeerkiisii reer Cadmeedka ahaa ayaa codsaday in loo soo diro si tacliin loogu daro, intaasaan kuula imiye bal ka tali abti.”
Xaajigu isagoo caqli iyo xikmad is bidaya wuxu yidhi:
“ Abti arrinka aad ii sheegtay waa war lagu farxaa. Tacliintu waa gaashaanka macaluusha. Tacliintu waa udub-dhexaadka iyo jiritaanka ummadnimo. Tacliintu waa saadaashaa ilbaxnimada iyo horumarka. Tacliintu waa sahanka iyo u samafalka inta jilicsan. Noloshu maanta sida la moodayo ma noqonayso qofba qofka uu ka tacliin sarreeyana noloshiisu ka xasilloon oo ka deggan abti, waxba yuu hadalku ila durkine haddii arrinkuba tacliin iyo wax barasho khuseeyo ha walaacin abtiyo; inankana u ducee. Anigu Cadan waanigii joogay waxbarasho tayo leh ayaa taalla. Afaf kala gooni ah ayaa lagu hadllaa, berigaan ka imi ammin xoogay ah ayaan ka xammaashay wixii aan tabcadayna waxaan ku dhistay baraag, dhawr tuludoodna waan ka iibsaday iyo qoriga aan geela bahalka kaga jiro. Haddii aan ogaan lahaa tacliintu qiimaha ay maanta yeelatay waxbaan baran lahaa hadhawna umadda ayaan hormuud iyo hageba u noqon lahaa kolkaa ha walaacin abtiye inanka dir.”
Hadalka xaajigu ka dhawaajiyay habrtu way u guuxday qalbigeedana wuu wuu gil gilay. Waxay maanka ku qabatay inankeedii oo heer gaadhay, oo la hareera yaacayo. Intaa wixii ka danbeeyay hooyo Aamini waxay u hawlgashay una tafoxaydatay in ay inan keeda anbabixiso. Adhigii marxuumka ka dhintay oo ahmin u badnaa ayay xaraashtay. Dad badan oo islaanta yaqaannay way la yabeen! Maxay adhiga carrafada ula sugi wayday ayaa lays waydiiyay? Laakiin iyada inan keeda oo anba baxa ayaa ku kaarweynaa. Markii ay adhigii xaraashtay noolkiina gacanta ku dhigtay waxay hadana u hawlgashay ciddii inanka kaxayn lahayd, masaafadaa dheerna lagu aamini lahaa. Waxay u baahatay qof beer iyo wadne ah oo inanka lagu daro. Waxay ku dhex-wareegtay tuuladii waxaanay baadhay qof ehelka ah, islamarkaana wado yaqaan ah oo marar hore Cadan u socdaalay. Ugu danbayn waxay heshay Oday Hayaan la odhan jiray oo beesha ah. Cadana ganacsi ka keena, dhul mareenna ahaa. Odaygu wuxu dukaan ku haystay badhtamaha tuulada wuxu haystay ganacsi wanaagsan marka loo eego tuulada uu deggenaa.
Hayaan aroor hore isaga oo dukaankii dhig-dhigaya ayaa waxa u timi habartii Aamina, way bariidiisay in uu maqli waayay iyo in kale mooyee in door ah ayuu dhegaystay hadalkeedana iska dhego maray. Odaygu wuxuu ahaa kibraani dukaanku maalmaahaa isugu dubbo dhacay oo aan cidna dan iyo muraad toona ka lahayn. Mar danbe oo xaagaa Islaantii jactaday ayuu xaggeeda si dheel dheel ku jiro usoo eegay misuu cod jilicsan ku yidhi:
“Naa waa tuma dee?”
“Xaaji waa anigee, iskawaran?”
“Adiga oo ayo ah, dee waa tuma”
“Xaaji waa afadii marxuum Kaliil Guuleed”
“Haa, maad sidaa u hadashid mar hore waaban ku garan waayaye.”
Waa beentiisa manuu garan waayine waa mukur iyo -ismakeeki, wuxuu is yidhi: Waa habar baahi iyo busaaradi kuu keentaye arxan ha tusin; laakiin Aamini meel aanu ka filayn ayay ka fad-kudisay waxay hadalkeedii ku bilawday:
“Xaaji arrin aan kaala fursan waayay ayaan kuula imi”
“Oo maxay ah”
“Xaaji yarkii aad adeerka u ahayd ee agoonka ahaa (Xareed) ayaa dhoof tacliimeed u soo baxay”
“Haye”
“Adeerkiisii Ducaale ee reer Cadmeedka ahaa ayaa soo codsaday si wax loo baro, hadhawna aan ugu badhaadhno”
Xaajigu arrinkaa wuu ka caga jiiday waxaanu ka fekeray safarka dheer iyo masuuliyadda wiil yar oo reer Miyi ah. Markii ay xoogaa baridayna wuxu ku yidhi:
“Horta safarku waa dheer yahay; Ilme kurey ahna in badda lala maraa arrin sahlan maaha yeelkeede anaa iskala batalaqsanyee waxaad samaysaa si fiican u soo nooli jicsinka iyo waddo maristana ugu soo dar.”
Nooli iyo jicsinba way u haysaaye iyada inan ka oo la kaxeeyo ayaa u daran; farxad ayaanay muusootay markii Hayaan aqblay in uu kaxaynayo Xareed illaa Cadan. Waxa ay waydiisay:
“Goorma ayaa laga yaabaa inaad baxdo? ”
“Bil ka dib ayaan baxayaa kolka xagaagu ina dhaafo”
“Haye noolka ayaan u soo diyaarinayaa iyo wixii kale looga baahan yahay.”
Haye iyo hawraar san ayaa lagu kala tegay.
Hooyo Aamini kolkay laabatayba waxay sii martay kaboolihii magaalada waxaanay wiilkeeda u sii toshay laba kabood oo maas ah oo uu safarka dheer ugu babac dhigo. Markii ay guriga gaadhay Xareed adhiga ayuu ku maqnaa, galabtii markii la soo carraabay oo adhigu meel guriga u dhow mayracanayo islaantuna haan xoolaynayso ayaa Xareed oo harraaday guriga yimi. Wuxu arkay kabaha maaska ah ee quruxda badan ee saabka ku jira. Cag uskag badan ayuu ku qiyaasay, isagoo faraxsan intuu debedda u soo booday ayuu hooyadii waydiiyay:
“Hooyo jaamahan yaa leh?”
“Hooyo adaa lehe, alaab kalana waan kuu soo iibinayaaye horta adhiga soo xaree, arrina waan kuu sheegayaaye orod horta.”
Yarkii isaga oo faraxsan ayuu caymaday, adhigii ayaanu xeradii keenay, maqashiina qoolka wada galiyay. Islaantiina idihii iyo riyihiiba way listay. Fiid hore ayaana odaygii geelii soo xareeyay, geeliina soo lisay. Markii hawshii laga wada faraxashay ayaa shir la gingimay. Ardaa guriga hortiisa ayay la cammirtay. Qaddiifaddii martidana waa la gogladay, halkaasaa bariis cad oo caano iyo burcad leh la hirqaday. Qaxwe geed-xamar lehna waa laga daba geeyay, waxaana bilaamay shirkii.
Shirka waxaa gudoominaysay hooyo Aamina; Waxaanu daarranaa aayo ka talinta wiilkeeda Xareed oo wax walba kala weynaa kalana wanaagsanaa. Xaajiga islaanta dumaalay aad buu u jeclaa in yarka la diro, laakiin marnaba hawsha hooyo Aamina ku dhacday dan iyo hello midna kama lahayn. Islaanta habeenkaa hadal iyo hawraariba waa ay ka dhammaadeen. Waxaanay hadalkeedii ku bilawday:
“Hooyo curadkaygiiyoow, dhaayahaygiiyoow, wadnahaygiiyoow kaan ku indha kuushoow maanta iyo maalintii aabahaa la oofsaday waa isku 13 gu’; Qaan gaadhkii laba gu’ ayaa kaaga dhiman horana waxa loo yidhi ‘Curad reer ku filan haddii uu bi’iyo iyo hadduu badhaadhshaba’ kolkaa hooyo caawa arrin ayaan kuusoo bandhigayaa, inaad si xeel dheer ii dhegaysato oo hooyo ii maqasho ayaan marti kaaga ahay. Yarku dareen hore wuu qabay laakiin si wacan umuu fahansanayn waxa lala maagan yahay. Isagoo qiiraysanna wuxu ku jawaabay:
“Haye hooyo waan ku dhegaysanayaa si fiicanna waan kuu dhegaysanayaa”
“Hooyo waan ku dhoofinayaa waxaan kuu dirayaa Cadan, adeerkaa Ducaale ayaa laguu geynayaa, tacaliina waa lagu barayaa si aad aqoon yahan u noqoto markaad weynaato.” Yarku aad ayuu u farxay habeenkaas. Wuu u qaadan waayay dhoofka hooyadii ka sanqadhisay. Cadan baad sheegtaye Berbera ayaad tegaysaa habeen kumuu seexan. Markii uu hooyadii u war celinayay wuxu xushay af soomaali kii ugu qaalisanaa ee ilme da’diisa ahi ku hadllo. Isagoo hooyadii beer laxawsanayana wuxu yidhi:
“Hooyo maanta nin weyn ayaan ahay. Xumaha iyo samaha waan kala saarayaa. Dammiin kama ahi xaaladda qoyskeennu ku jiro, aad baan dhug ugu leeyahay wax yaabaha hareerahayga ka dhacaya. Cid aan kula eerto ayaan la’aaye ninna wax barasho iyo tacliin igama jecla. Nolosha miyigana weligayba kuma qanacsanayn” Yarku kolkuu hadalka dhammeeyay hooyadii rajjo iyo yididiilo ku la dhantahay ayaa gashay. Way yaabtay fogaan aragga ilmaha lagu ilhaamiyay. Weligiiba ilmaha waxba lama waydiin’e waa in dheer-garad intiisa ka wayn.
Waxay maalmuhu wareegaanba waxaa la gadhay ammintii anbabaxa; Hayaan ayaana Xareed farta laga saaray, nooligii iyo jicsinkiina waa loogu dhiibay duco iyo dhiirri gelinna faraqa ayaa loogu xidhay. Xareed muuqaal ahaan jiidh iyo jibaad toona malaha ee waa caato, dherer ayaa kusoo jira dayaca iyo darxmadu hoos u riixayso. Hooyadii ilmo ayay u haystaa waa se kuray dhawr iyo toban jir ah oo dhababcada iyo xawaaraha aan cidi gaadhayn. Hayaan iyo Xareed way is raaceen. Waxay lug kaga baxeen degmadii ay yiilleen. Waxaanay beegsadeen Magaalada Beer si ay gaadhi uga raacaan ilaa gabollada galbeed ee dalka. Waxay lugaynayeen laba caano maal. Gaatama waxa ay ahayd abaar oomane ah laakiin hadda waxay soo galeen dhul barwaaqo ah, balliyada iyo jidhaamahuba way buuxaan. Meel walba calcalyada xareeda ayaa wadhan. Dhulku waa rays udgoon. Oogada waxaa ka saran cad ceed diirrimaadkeedu nafta raaxo gelinayo. Dhulkuna wuxu daacayay naxariis aad moodo in ay qalbiga naxariis ku abuurayso. Waxa ay lugeeyaanba waxay soo gaadheen Magaalada Beer oo markaas cammirnnayd magaalooyin bandanna ganacsiga ku dhaantay. Waxay baadheen baabuur si ay u dhammays tiraan geeddigooda. Waxaanay heleen gaadhi caws magaalada ka qaadaya.
Haddii markii hore uu yarku xishoonayay hadda toos ayuu ula doodayaa Hayaan. Wax kasta oo uu rakana wuxuu damcay in looga fidyoodo. Waa maalintii ugu horraysay ee uu noloshiisa gaadhi fuulo, wax kasta oo madixiisa kusoo dhacana wuxu jeclaaday in looga jawaabo. Intii ay jidka kusii jireen waxaa dhex maray hadalkan:
“Adeer immika marka Cadan la i geeyo maxaan ka qabanayaa?”
“ Waad shaqaysan ama wax baad baran”
“Oo adeer kee wanaagsan shaqada iyo wax barashada”
“Labaduba ay fiican yihiin, wayse kala intifaac badan yihiin.”
“Oo adeer kee ii wanaagsan aniga”
“Immika wax baro hadhowna shaqo fiican raadso ayaan ku odhan lahaa”
“Haye hawraarsan sidaasaan yeeli adeer”
Wax ay iska sii luudaanba waxay soo gaadheen magaalada Burco. Hadana Xareed wuxu bilaabay in uu Hayaan macluumaad waydiiyo ku saabsan magaalada:
“Adeer magaaladan magaceed?”
“Burco ayaa la yidhaahdaa”
“Adeer magaaladu cammiranaa ma gaalo ayaa deggan”
“Gaaladu saw meel walba ma deggana? Halkan aan ku soconnaba iyaga ayaa deggan”
“Oo adeer dalka ma iyagaa leh maxay u deggen yihiin halkan”
“Way innagu soo duuleen si ay inoo gumaystaan”
“Oo maxaynu ka cunnay ee ay inoo gumaysanyaan”
“Waxay rabaan dhul ballaadhisi; iyo in ay boobaan khayraadka dalkeenna. Sidoo kale waxa ay jecel yihiin dhul qorrax leh oo ay ku raaxaystaan waqtiyada ay firaaqo haystaan”
“Oo innga maxaa inooga cabba”
“Wax alla wax inooga cabbaa ma jiraan, waxay ku doodaan in ay carruurta tacliinta barayaan, nidaam dawladeedna inoo samaynayaan”
Asalkaba maskaxda baraarugsani waa ta waydiimo is waydiisa. Xareed su’aalaha maankiisa ka aloosan Hayaan wuu la yaabay. In kasta oo aanu Hayaan yaraantiisii waxba dhigan nin aqoon lehna aanu ahayn haddana su’aasha yarku waydiiyo waayo aragnimadiisa ayuu kaga jawaabayay.
Intaa ka dib waxay sii wateen socdaalkoodii waxaanay abbaareen magaalo xeebeedda Berbera, si ay socdaalkooda u dhammays tiraan oo Doonni halkaa uga raacaan. Waxay galeen Berbera oo markaas xagaa kulul laga sii baxayo, weli se kulaylkii iyo hanfigii joogo hadana Xareed wuxu bilaabay su’aalihiisii si uu magaaladanna wacaal uga helo:
“Adeer meeshu kululaa ma dhuxul baa qolqolka lagu shidayaa?”
La soco cadadka danbe