Hordhac:
Todobaatannaadkii iyo dabayaaqadii siddeedtanaadkii Soomaaliya waxa ku kulmay dhacdooyin ugub ah. Ma ahayn kuwo Soomaalida oo kaliya ka
yaabiyay ee adduunka ayaa dhagaha faraha galiyay. Waa dhacdooyin qofka soomaaliga ah ee xilligaas noolaa aannu sinaba ku illaawi doonin, qofka baadhistooda u banbaxaana wuxuu si fudud uga helayaa iyaga oo dhex yuurura ummadda soomaaliyeed oo ilaa hadda ay dhafoorkooda ka sii qiiqayaan.
Marka dawlad lagaga cawdo inay sharcigii dalka ku tumatay; musuq-maasuqday hantidii; nabadgalyo la’aan, eex iyo bandoo waa wax sahlan, laakiin dhibta soomaalidu qabtay sannadahan sidaas way ka durugsanaayeen. Waxay ahaayeen jawrfallo arxandarro ah; xasuuq wadareed isir-sooc ah oo lagu bar tilmaameedsanayo dad gaara ayaa kamid ahaa waxyaabihii dalka ka jiray. Dadku markay isku dayeen inay ka dhiidhiyaan ey dawladdooda ula tageen cabasho waxa loogu jawaabay xabsi, daldalaad iyo in dhegta dhiigga loo daro. Waxay seeftii kacaanku qudh goysay labeentii ummadda soomaaliyeed oo maanta wax badan tari lahaa hadday geeri Eebbe ka badbaadi lahaayeen. Falalkaas waxshinnimada ah ee Kacaankii Oktoober dalka iyo dadka soomaaliyeed kula kacay waa kuwii ay ka dhasheen kacdoonnadii hubaysnaa ee SSDF, SNM iyo USC. Dhanka kalena, waxa iyana taas barbar taalla guulo iyo horumar la taaban karo oo ay soomaalidu ku tallaabsatay milaygan.
Ma jirin hoggaan kacaanka Oktoober ka horreeyay iyo mid ka dambeeyay oo soomaali guulahaas faraha u galiyay. Qoritaankii Afsoomaaliga iyo soomaaliyeyntii aqoonta casriga ah; kaabayaashii dhaqaale ee lagu dhisay iskaa wax-u-qabso iyo kuwo kaleba waa la tixi karaa haddii loo baahdo. İnkastoo miisaanku u janjeedhsamayo dhanka taban, haddana waxaan la yaraysan karin muddadaas horumarkii soomaalidu gaadhay oo qaarkood ilaa maanta aynnu dheefsanaynno. Waxa se wacnaantaas isku gudbaya wixii badnaa ee la xumaynayay mar kasta.
Sannadahaa 70-naadkii iyo 80-naadkii ummadda soomaaliyeed waxay u ahayd saban-xumaadyo halakeeyay noloshooda dhinac kasta. Abaartii Daba-dheer iyo dagaalkii ay soomaalidu xabashida la gashay ayaa ahaa sannaddo aan soomaalida u wanaagsanayn.
Qoraalkani arrimahaas aan gawlgawlay ayuu diiradda saarayaa. Qormada oo dhammi waxay ka ambabaxaysaa sheeko jeelka ku dhex martay Abwaan Cabdi Aadan Xaad “Qays” iyo Dameer. Haa, waa Dameer xidhan oo dacwad loo haysto, cidda xidhay iyo dacwadda loo haystaba waxaad ugu tagaysaa maansada Darmaan iyo Dalxiis iyo faallada ka horraysa maansada.
Maansadu waxay dhex maraysaa laba maxbuus oo dad iyo duunyo kala ah; dareen xorriyad la’aaneed oo dad iyo duunyo saameeyay ayay Darmaan iyo Dalxiis ka dhalanaysaa. Marka aynnu sidan ay tahay u eegno waxa dhacay is waydaar; xawayaankii baa dad noqday, dadkiina waxay noqdeen xawayaan. Haddaa sidee kale ayaad adigu odhan lahayd akhristaw?
Waxa la caayay dhaqanka ummadda soomaaliyeed oo ay qiimo sare ka taagan yihiin xoolaha nooli, laf-dhabarta dhaqan dhaqaale ee qoyska soomaaliyeedna horraysay iyo dambaysayba wuxuu ahaa meesiyada xoolaad. Fekerka ay soomaalidu ka qabtay wax aan dugaagga ahayni wuxuu ahaa “Ma yeedhaan”, oo ay ula jeedaan awood darro dhanka caqliga la xidhiidha. Aadanaha Alle wuxuu siiyay garaad iyo caqli uu noloshiisa oo dhan ku hawlgali karo, waa sababta aynnu ugu adeeganno duunyada oo aynnu u manaafacaadsanno.
Dunidan aynnu ku noolahay waxa ku dhaqan ummaddo badan oo diin, dhaqan iyo afba kala duwan, waxa se ummadahaa ugu karaamo badan kuwa İslaamka ah. Walow ay maanta waddammadii İslaamka ahaa dagaallo iyo tacaddiyo badani ka jiraan, haddana İslaamku waa diin noolaha oo dhan nabad galisay. İyada oo ay sidaas tahay ummadaha cawaanka ah ee aan diinba haysan weli maynnu maqal waddan ka mid ah in neef xoolo ah lagu qaaday sharciga dadka sida jeel iyo dacwad kale i.w.m. Taasaa toddobaatanaadkii ka dhacday Jamhuuriyaddii Dimuqraaddiga ahayd ee Soomaaliya. Sida dameerka lagu xidhay iyo sharciga xidhay kamuu duwanayn dulmigii iyo daranyadii ay dadkuba qabeen.
Dembi innaga raaci maayo haddii aynnu nidhaahno: caddaalad-darradii iyo dunuubtii dadka lagu hayay ayaa ku fatahay xawayaankii. Mar haddii qof aadame ah lagu soo eedaynayo “Ku qosle kabtan kufay, Kacaan-diid, Dib-u-socod, Daba-dhilif” iyo kun kale oo ay samaysteen nimankii kacaanka hor boodi jiray saw wax fudud ma aha in dulmiga dadka lagu falayaa inuu duunyadana u gudbi karo. Maansadan Darmaan İyo Dalxiis waxay soo bandhigaysaa wacyigii dalka ka jiray iyo sidii xaal ahaa.
Cabdi Aadan Xaad wuxuu raaca hore kaga jiraa maansayahannadii keeno-diidka ahaa ee ka aamusi waayay foolxumadii dalka ka socotay. Sidaasay Cabdi-Qays isku muteen jeelashii dalka, noloshiisa intii badnaydna uu xabsiga ugu jiray.
Cabdi Aadan Xaadoo ka sheekaynaya xabsiyadii soomaaliya ee inta badan u ahaa hoyga, wuxuu yidhi: “Anigu jeelal badan ayaan galay kuwii Soomaaliya waxay ahaayeen col iyo cadaawad”.
Markale Cabdi-Qays wuxuu yidhi:
Waa guri guri ku hoos yaal
İyo Gaydh biroo adag
İyo waliba gaadhkoo
Guudka kaga sii jira
Dabayluhu ma gaadhaan
Goobtaan ku noolahay.
Cabdi Qays sida uu ugu dirnaa xaqa isaga oo dadka u iftiiminaya ayuu yidhi:
Dugaaggana ha noqotee
Dulmi ruuxa lagu falo
Nin u doodayaan ahay
Duunkayga hoosaa
Xuub laga dillaacshoo
Haddii gaal la duudsiyo
Nin ka daaya yidhi oo
loogu dawgalaan ahay.
La soco qaybta labaad………..
Cabdixakiin M Maxamuud Marayare
Facebook:Abdihakin Marayare
Email:marayare@live.com