GUDAHA KA AKHR: Faallo Ku Suntan Heerka Ay Gaadhsiisan Tahay In Xukuumaddu Si Kalsooni Leh Wax Uga Beddesho Go’aankii Balliga Diiriye

0
31

Ma Lagu Ammaani Karaa Xukuumadda Dib U Eegista Go’aankii Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirradu Ka soo Saareen Balliga Diiriye Abokor?. AKHRI Faallo Uu Qorey Maxamed Cumar Sheekh

Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saartay go’aan golaha wasiiradu ku dhex galeen beelaha ku muransan degaanka loo yaqaan Balliga Diiriye Guuleed, kaas oo in muddo ahba maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda isla degaankaasi isku horfadhiyaan, isla markaana tiro dad ahi ku dhawaacmeen iska hor imaadyo la sheegay inay halkaasi ka dhaceen bishan gudaheeda.

Go’aankaasi ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa shalay Madaxweynaha Siillaanyo meesha ka saaray kaddib markii dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya degaankaasi ku qanci waayeen, kuna adkaystay inaanay ka hadhaynin sheegashada dhulkaasi, iyadoo aad mooddo in go’aankaasi demin waayey xiisaddaa dhuleed, waxana arrinka dhulkaasi lagu talogalay in loo saaray guddi dhaqameed ay hogaamin doonaan Golaha Guurtidu. Arrinta dhulkaasi oo kicisay colaad beeleedyo, ayaa galaafatay ama loo xidhayba hogaamiye-dhaqmeedyo isla degaankaasi ah, halka siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka, kana ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha isku haya degaankaasi ay isku fara saareen.

silhouette-man-question-mark-17749737Haddaba marka dib loo raaco xal u heliida khilaafyada dhulka ee soo maray Somaliland iyo kan maanta taagan ayaad mooddaa inay kala duwan yihiin isla markaana dhinac marka laga eego xukuumadda lagu ammaani karo dhinaca kalena aan loo baahnayn inay xukuumaddu qaaddo tallaabadan dambe.

Waa tan hore eh weligeedba xukuumadihii Somaliland ee dalka soo maray wey ka qayb qaadan jireen xal u helida khilaaf kasta, waxana inta badan xiisadahan loo diri jiray xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, go’aanada ay ka soo saaraanna waxa uu ahaa muqaddas ama sidiisa ayuu u socon jiray, xoog iyo xeer midkay doontaba haku meelmarisee lagamana daba hadli jirin, iyadoo weliba dhinaca gar-darada leh la saari jiray ganaax culus digniinna la siin jiray, xukuumadda KULMIYE-na jidkaasi ayey qaadday oo masuulyiin ka tirsan dawladdda ayaa halkaa loo dirtay kana soo saaray go’aan ay garteen xalka arrinta dhulkaasi, hase yeeshee go’aankaasi meel ma gaadhin oo dhinac ka mid ah ayaa iska diiday, iyadoo loo baahnaa in dhinaca diiday lagu cadaadiyo go’aankaasi lana marsiiyo wakhtigan, lana oggolaysiiyo inay racfaan ka qaataan go’aankaasi. Taasi ma dhicin oo wasiiradii halkaa loo diray go’aankoodii waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay ama niman iska hadlay oo arrinkoodii lagu dhaqmi waayey, loona qaadan karo inuu ahaa mid aan ku fadhiyin caddaaladda.

Siyaasiyiinta iyo hogaamiye-dhaqameedyada ku qanci waayey go’aankaasi ayaa xukuumaddu u dabacday, wasiiradeedii halkaa tegey ee go’aanka ka soo saareyna laga dul guurey, mana ahayn in sharafta iyo karaamada wasiiradii halkaa tegey ee go’aanka soo saaray beel ka mid ah beelaha Somaliland ku tumato, xukuumadduna lugta u qabato, sidaa darteedna la odhan karo looma baahnayn in xukuumaddu jidkaasi u marto arrinta Balliga Diiriye Guuleed, hadii kale waxa dhici doonta in ergo kasta oo ka tirsan golaha Wasiirada oo xal u helid khilaaf u tagta degaanada dalka beelo ama maleeshiyo beeleedyo soo eryadaan, waxayna arrintani durba guul u tahay hogaamiye-dhaqameedyada siyaasadda Somaliland lugta kula jira ee sannadihii u dambeeyeyba xukuumadaha iyo siyaasiyiinta dalkaba qiilqiilka geliyey.

Qalinkii: Maxamed Cumar Sheekh,

Weriyaha Saxafi ee Awdal 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here