GUDAHA KA AKHRI: Shil Baabuur Kii Ugu Dhaawaca Badnaa Oo Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Burco

0
33

Burco-(Hubaal)- Dad tiradoodu dhan tahay ilaa 50 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, ayaa la gaadhsiiyey cusbitaalka magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, kadib markii baabuur ay la socdeen uu kula dhacay duleedka magaaladaas.

shil baabuur

Baabuurka dadka badan ku dhaawacmeen oo noociisu yahay gawaadhida waaraadka loo yaqaan, waxa uu siday rakaab ilaa 50 qof ah oo sida la sheegay dhammaantood ku dhaawacmay shilkaas, xoolo badan iyo caano, kaasoo ka baxay tuulada Gidhays oo ku taal woqooyiga magaalada Burco, sidoo kalena waxa tobaneeyo neef adhi ah oo gaadhiga saarnaa ayaa ku dhintay.

Maamulaha Cusbitaalka Guud ee Burco Dr. Cabdi Qaadir Muuse (Muruqliqe), ayaa ka warbixiyey xaaladda dadka ku dhaawacmay shilkaas, waxaannu yidhi; “Dhaawacyada shilka gaadhigani hore noociisa oo kale umaanan arag, waxana baabuurka saarnaa guud ahaan 50 qof, kuwaasoo ilaa 10 ruux oo ka mid ah qabaan dhaawacyo fudud, halka 40 qof oo kalena qabaan dhaawacyo culus.” Maayirka Burco Md. Maxamed Yuusuf Muraad oo ay weheliyaan Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Mr. Cismaan Maxamed Sheekh iyo qaar ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka, ayaa booqday dhaawacyadan, isla markaana gaadhsiiyey deeq maryo ah. “Haddaannu nahay dawladda hoose waxaannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gaysanno sidii dadka dhaawacyada halista ah qaba loogu gudbin lahaa magaalada Hargaysa. Waxaannu hadda soo gaadhsiinay deeq dhar ah oo isugu jira diracyo, macawiso iyo shaadhadh aannu u qaybinnay dadka dhaawacmay ee cusbitaalka la keenay,” ayuu yidhi Maayar Muraad oo warbaahinta kula hadlay gudaha Cusbitaalka Burco.

Sidoo kale Xoghayaha dawladda Hoose ee Burco, ayaa sheegay inay heegan u yihiin sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen wax u qabashada iyo taageerada dadka ku dhaawacmay shilka baabuur.

Dadka ku dhaawacmay shilkaas ayaa noqonaya tiradii ugu badnayd ee la gaadhsiiyo Cusbitaalka Burco, iyadoo sidoo kale hore cusbitaalka loogu daweeynayey 18 qof oo la sheegay inay maalintii Sabtida ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Oog iyo Caynaba.
Gaadiidka sii badnaya, xawliga wadayaasha iyo jidka oo aan wanaagsanayn, ayaa inta badan sababa shilalka gaadiidka kala duwan oo muddooyinkii u dambeeyey aad u kordhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here