Gudaha Ka Akhri: Hadalo Uu Wasiir Waran-cadde Ku Weeraray Wariye Madax-banaan Oo Su’aal Isaga Khusaysa Waydiiyay

0
25

Hargeysa [QMN]- Waxa ay ahayd goobtu xaruunta Golaha Wakiiladda maanta oo isniin ahayd taariikhdu-na ahayd 08/09/2014. Wakhtigaas oo uu Wasiir Cali Waran-cadde ka soo baxay fadhiga Golaha Wakiiladda oo uu war-bixin ka siisiyey hawsha Diiwaan-gelinta Madaniga ama Kaadhadhka Dhalashadda ee ay wasaaraddiisu doonayso inay dhowaan dalka ka bilowdo.

wariyaha qumannewsGoobta waxa taagnaa inta badan war-baahinta madaxa-banaan ee dalka iyo Xildhibaano doora oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiiladda, goobtaas ay wasiirka war-baahintu ka dal-batay inuu uga jawaabo waxa uu ka og-yahay dhacdo naxdin leh oo af-duuba oo shalay u geysteen wariye Cabdishakuur Heersare lix nin oo qoyskiisa, isla markaana ay war-baahinta madaxa-banaan ee dalkuna saaka qortay. Su’aasha ay warbaahintu waydiisay Wasiirka ayaa u dhignayd sidan:- Wasiir waxaanu doonaynaa inaad nooga jawaabto, waxaad ka og-tahay raga shalay af-duubay wariye Heersare oo qoyskaaga ah, isla markaana adeegsanayey gaadhigaaga dawladda?. Su’aashaa warbaahintu u soo bandhigtay Wasiirkaoo ay wariyeyaashii goobta dhoobnaa sugayeen inuu wax uun kagaga jawaabo. Ayuu nasiib darro Wasiir Waran-cadde kaga jawaabay dagaal gacan ka hadal ah oo uu kula kacay Wariye Khadar Cali Xuseen [Shiine] oo ka tirsan bahda warbaahinta QUMANNEWS.COM, isagoo wasiirku inta uu Feedh xoog badan duubtay ayuu wariye Shiine oo aan iskaba arkayn gacanta midig kaga jiiday ama kaga dhuftay. Arintaasoo u qaadan waa iyo af-kala qaad ku noqotay dhammaan dadkii meesha joogay, isagoo waliba wasiirku iska laalaadiyey wariyaha kaladhka shaadhkiisa. Dabaddeedna yidhi “Waaryaa meeyeen askartii, wuu xidhan yahay ninkani oo anigaa xidhaye kaxeeya, Baastarka”. Wariye Khadar Shiine oo ay askartiisii dibedda u jiiday ayey Xildhibaanadii meesha joogay u sheegeen in aanu wariyuhu wax dambiya galin, isla markaana uu wasiirku ku khaldan yahay arintan siina daayaan, Sidaasna lagu sii daayey Mr Shiine. Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladii ka soo bur-qanayey Af-ka Wasiirka “adeer ma tihid muwaadin reer Somaliland-na waan ku soo ogaaday, way inoo tahay labadeena. Adeer walaahi waxaad doonaysaa inaan Libaax-yadayda kuu dhigo ha ku cunaane. Anigoo dalkaba haysta ayaad doonaysaa inaad wax i waydiiso inankaaga yari”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here