GUDAHA KA AKHRI: Kulan Hargeysa Ka Dhacay Oo Lagaga Dooday Xeer Loo Samaynayo Xawaaladaha Lacagaha

0
40

Hargeysa  (Hubaal)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qaybgallay kulan lagaga hadlayey xeerka loo samaynayo xawaaladaha.

Madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa sheegay in loo baahnaa in xeer loo sameeyo xawaaladaha, isla markaana ay muhiim tahay maalgalinta ay samayn karaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa aanu dareensanahay ahmiyadda ay leedahay iyo baahidda loo qabo in la waafajiyo dirista iyo bixinta lacagaha caalamka la dhigo in lagu maareeyo, anigoo ku hadlaya afka dawladda in la sameeyo xeerka Xawaaladaha oo wixii la nooga baahdo dhaqangalinayno, Waxa aan ku hambalyaynayaa gudoomiyaha iyo shaqaalaha bangiga dhexe deedaalka ay ka galeen soo diyaarinta sharciga ka hor taaga dhiqista lacagta ama money laundering ee afka qalaad ee halkan maanta lagaga doodi doono”. Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo isaguna arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in lacagaha qurbojoogtu soo diraan saddex goor ka badan tahay miisaaniyadda Qaranka, taasina ay tahay muhiimadda ay ka leeyihiin xawaaladaha.

Kulanka Bangiga Dhexe Xawaladha (1)Samaale oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Lacagta dadka reer Somaliland ka soo gasho xawaaladaha waxay saddex jeer ka badan tahay missaaniyadda dowlada, waa lacag badan runtii nolosha dalka iyo dowladaba laf dhabar iyo hal bawlo, haddii ay tahay miisaaniyadda 2014 $152 million tahay waxa lacagta xawaalada sanadkii soo gasha dadkeena miyi iyo magaalaba, waxa ay ka badan tahay $300 ila $400 million”.

Sidoo kale, waxa ka hadlay maamulaha guud ee xawaaladda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada shaqaynta ay la leeyihiin baanka dhexe, isla markaana ay muhiimadda weyni ugu jirto dhaqangelinta xeerkan Xawaaladaha.

Cabdirashiid Ducaale oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “xeerkani runti waa muhim oo meelo faro badan oo dalalka caalamka ka mid ah oo aanu ka shaqayno ayuu kajiraa, waana ku faraxsanahay shirkan lagaga hadlayo xeerka  xawaaladaha lagu dhiqi doonno, waxayse u baahan tahay in si weyn loogu fiirsado”.

Mar kale isagoo ka hadlay xeer uu mudanayaasha odayaasha loo gudbiyey ee la doonayo in lagu dhaqo xawaaladaha ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waad ogtahay in wadamada aanu ka shaqeyno aanu ku dhaqano sharciyada u yaala dalkaas, marka arrintani maaha wax nagu cusub oo dalalka kale ayaanu ku soo aragnay. Sharciguna mar walba wuu isbedela marba waxba lagu daraa wana laga saara, laakiinse deedalka ay dowlada Somaliland, mamulka bangiga dhexe iyo hayadaha calaamiga ah ee arrimaha iska kaashaaneyaba. Wixi ala umada uu dan anagana waa inuu dan mar walbana waa muhim”.

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa xafladan soo abaabulay, isla markaana lagaga doodayey xeer loo samayn lahaa xawaaladaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here