Laangaabnimda ayaa ah xaqiiqo dabiici ah oo si muuqata ama qaab dadban ugu lamaansan nolosha iyo noolaha. Marka la eego silsilada taxan ee taariikhda aadmiga, dhaqankasta, qolo kasta, iyo aragti walba oo loo arko in ay yihiin laan- gaab “ minority” waxaa lagula kici jiray bahdilid iyo xadgudub joogta ah. Taariikh ahaan, Laangaabnimada waxaa lagu barbar waday halgan iyo harjad joogteysan oo loo galay sidii looga badbaadi lahaa tacadiga iyo xadgudubka ka yimaada qolooyinka markaas muruqa iyo tiradu u hiilisay.
Waqtigan la joogo, halganka laangaabyadu wuxuu noqday mid libin caalami ah laga gaarey, gaar ahaan wadamada galbeedka. Guusha ugu tolmoon ee mudan in loo dabaal dago ayaa ah in isirrada, diimaha, iyo waliba dhaqamada laga tirada badan yahay heleen sharci adag oo ilaaliya xuquuqda asaasiga ah ee qofka ayadoon la eegaynin laangaab iyo laandheere midka uu yahay.
Inta badan, dhaqamada iyo dadyowga wali u nool sida habardugaaga ayaa ku guul daraystay in ay joojiyaan tacadiyada lagula kaco dadka laga tirada badan yahay. Dhaqamadaas waxaa safka hore uga jira dhaqanka Soomaalida iyo kan Carabta oo ah dhaqamo ka-ab ka-ab illaa abooto xaawo u taagnaa bahdilka iyo barakicnta dadka laga itaal roonyahay.
Nasiib wanaag, qolooyinka iyo kooxaha muruqa iyo tirada ku awood sheegta ee dhaqamadaas ka soo jeeda waxaa qabta sharciga dabiiciga ah “ Natural Law” ee u taagan u caqli celinta iyo caabinta noolaha iyo nafleyda awooda is bida. Tusaale ahaan, geedaha yar-yar ee laangaabyada ah marka ay cadceeda iyo hawada ka xiraan geedaha dhaadheer waxaa u hiiliya dabeylo mar soo dhac ah oo baararka iyo salka ka rifa geedaha dhirirka ku faana ee isbaarada u dhigtay cadceeda iyo hawada ay u baahnaayeen geedaha kurtunka ah si ay u koraan. Dabaylahan waxay u taaganyihiin sharciga dabiiciga ah ee nolosha aan looga maarmin.
Sida la ogyahay burburkii dalka ka dib qabiillada tirada iyo awooda is biday ayaa barakicin, layn iyo waliba bahdilid kula kacay qabiillada dhaqanka Soomaalida ku suntay “Laangaabnimada.” Markii caqliga shaqeeyn waayay oo xoogagii awooda lahaa u dhaqmeen sidii dugaagii, waxaa si kadis oo lama filaan ah ku shaqeeysay gacanta qarsoon ee hagta sharciga dabiiciga ah “ Natural Law” ee aan kor ku soo xusnay.
Guji Qoraalkan Si Aad U Akhrisato Qoramadan “Libintii-Laangaabyada”
W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey
Email: sthinktank@gmail.com