GUDAHA Ka Akhri Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Abuuray Ciidammo U Gaar Ah Ilaalinta & Sahaminta Shidaalka, Kuwaas oo Uu Bilayska iyo Militariga kasoo Xulay

0
32

 

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Caawa digreeto Madaxweyne Ku abuuray Ciidanka Ilaalada iyo sahaminta ee Shidaalka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xeer Summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014 ku Abuuray Waaxda Ilaalada iyo soo saarita Shidaalka Ee Ciidanka Booliska

. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay caawa Madaxtooyada, waxaa Ciidankan oo si toos ah u hoos iman doona Ciidammada bilayska laga soo xulay labada Ciidan ee Militariga iyo Booliska. War-saxaafadeedkaas oo Dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu Markuu Arkay:       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

Markuu Arkay:     Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda  Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee  Ciidammada Qaranka;

Markuu Arkay:     Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay:     Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday:    Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

ALLAA MAHAD LEH

.Madaxweyne_Siilaanyo2013 Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay caawa Madaxtooyada, waxaa Ciidankan oo si toos ah u hoos iman doona Ciidammada bilayska laga soo xulay labada Ciidan ee Militariga iyo Booliska. War-saxaafadeedkaas oo Dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here