GUDAHA KA AKHRI: Maxaabiis Falal Argagexiso Ka Fuliyey Somaliland Oo Ehelladoodu Farriin Cabasho Iyo Damaannad Ah U Direen Guddoomiyaha Maxakamadda Sare

0
30

Maxaabiis Falal Argagexiso Ka Fuliyey Somaliland Oo Ehelladoodu Farriin Cabasho Iyo Damaannad Ah U Direen Guddoomiyaha Maxakamadda Sare

Waxa Ay Sheegeen In Xadhigii Ciqaabta Ahaa Ee Lagu Xukumay Uu Muddo Dhaafay

 Hargeysa (Hubaal)- Ehellada Qaar ka mid ah Maxaabiis u xukuman falal argagexiso oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka fuliyeen waqtiyo hore ayaa sheegay in xukunnadii ay Maxakamaddu ku riday ay dhammaysteen isla markaana ay hadda muddo dhaaf u xidhan yihiin.  Ehelladan oo qaarkood ay walaalo yihiin xubno ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay in Maxaabiista kiisaska argagexiso u xidhnaa ee xukunnadu ku dhaceen ay markii horey tiradoodu dhammayd 27 xubnood  balse markii dembe kuwii uu xadhigu ka dhammaaday  xorriyadoodii  loo celiyey, waqti xaadirkanna ay xabsiyada ku hadheen 9 maxbuus oo muddo dhaaf ahi.  Maxamamed Saalax Iidle oo Ehelada maxaabiistan u hadlay oo iyagu  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaanu doonaynaa in aanu ka hadallo rag xidhan oo xukunkii maxkamadeed eek u dhacayna dhamaystay islamarkaana, kuwaas oo qaarkood  jeelasha ku xanuunsaday oo imika dhul yaal ah,  waxaana aanu rabnaa in aanu warbaahinta cabashadayada u marino Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo aanu ku rejo waynahay in uu kiiskaa hoos u eegi doono,” sidaa ayuu yidhi Mr. Iidle, waxaana uu intaa ku daray “waxaa raggan la soo xidhay 2004,kii .waxaana loo soo xidhay kiisas argagixiso oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kiiskii Dhoqoshay, kiiskii ninkii kuutiyeJarmalka ahaa ee Ceerigaabo lagu afduubay iyo  kiiskii ka dhacay xaafadda News Hargeysa. Markaa ragga markii hore tiradoodu waaxay ahayd oo uu xukuno ku dhaceen 27 nin oo isku kiis laga wada dhigay oo kiisaskooda lagu mideeyay argagixiso waxaana hadda raggaa ka xidhan 9 nin oo kaliya iyadoo la sii daayay rag ka xukun dheeraa oo 25 sano qaarkood ku kuxunaayeen. Ragga la sii daayayna waxay dhamaantood kasoo jeedeen beesha Bariga Burco, kuwaas oo intii xukuumadda KULMIYE ay xilka haysay la sii daayay, markaa waxaa na damqaysa   qabyaaladda raggii ay Madaxweynaha isku haybta ahaayeenna loo sii daayay kuwayagii oo xukunkii dhamaystayna loola hadhay.” “Sagaalka nine e imika naga xidhan mid  ka mid ah biro ayaa lugta kaga jiray Jabuuti lagu soo galiyay oo loo qabtay in muddo sanad ah lagaga saaro laakiin dhakhtar dambe cidi may geyn wax dawayn ah oo dambena muu helin lugtiina way ku qudhuntay.  Mid kale oo ka mid ah raggaas waxaa uu ka curyaamay lugaha oo saxarada iyo kaadibadaba lama kici karo, markaa waxaanu garsoorka dalka oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Maxkadda Sare  ka codsanaynaa in uu nimankaa arrintooda hoos u eego sharci darada ku xidhan ee xukunkii ku dhacay dhamaystay.”  Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray  “Raggan illaa markii xukunkooda ay dhamaysteen waxaanu kulamo la yeelanaynay meelo badan oo kala duwan Madaxtooyada Marar badan ayaa loogu tegay oo ay la balan qaaday in la sii daynayo,Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo aanu kiiskooda kala hadalay wuxuu nagu yidhi anaga nooma xidhna xadhigooduna waa sharci darro waxaanu ciidanka Asluubta waydiiyay sababta ay u xidhan yihiin ciidanka Asluubtuna waxay ku doodeen siidayntooda ha nala soo amro, Xeer ilaalinta ayaanu tagnay Xeer ilaalintuna waxay noo caddaysay in aanay raggaa u hayn dambi ay ku xidhan yihiin oo ay dhamaysteen Xukunkii ku dhacay laakiin aanay awood u lahayn in ay sii daayaan. Ugu dambayn arrintoodu waxay ka fursan wayday in aanu warbaahinta cabashadayada u marino Xukuumadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare labadadaba oo aanu ka codsano in ay noo soo daayaan ragga xukunkoodii dhamaystay si aanu meydkooda u aasano oo aanu ugu samirno.” Waxaa kale oo uu ka hadlay Maxamed raggan oo ku xukuman kiis argagixiso in ay balan qaad buuxa qaranka Somaliland ku siinayaan in aanay wax dambe ku kacayn kiisaskii hore ay u galena ay ka toobad keeneen oo ay ka xun yihiin. “Nimankaasi waxay ku xidhan yihiin oo xukun ugu dhacay kiisas argagixiso oo ay dalka ka galeen sharciga ayaana la mariyay oo xukun ayaa ku dhacay dawladna waxaa lagu yahay kala dambaynta iyo u hoggaansanka sharciga kol hadday xukunkii dhamaysteen kuwii ay isku kiiska ahaayeenna la sii daayay,kuwanna waxaan mar labaad codsanaynaa in la soo daayo, waxaa kale oo aanu balan qaadaynaa in aanay   fal dambe ku kacayn oo salaadiin iyo waxgaradkoodii iyo ehelkoodii ayaanu nahay ee anaga ayaa balan qaadayna in aanay wax dambe oo dalka iyo dadka lid ku ah  aanay ku kacayn kuwii ay hore u galeenna ciqaabtoodii way mareen,imikana nafiba kuma jirto ee waxaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xukuumaddaba ka codsanaynaa in sharciyadda naloo eego oo raggaa xukunkooda dhanaystay naloo soo daayo qoysaskoodu qalfoofkooda ha ku samraan e.”ayuu yidhi Maxamed Iidle oo ku hadlayay afka ehelada maxaabiis sagaal ah oo u xidhan kiisas argagixiso oo ay sheegeen in ay Xukunkoodii dhamaysteen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here