“…Dacwado tiro dhaaf ah oo ay soo qorteen dad dhibaato dilal ka mid yihiin ka tirsanaya Xasan Daahir ayaa buux dhaafiyey Xarunta Maxkamadda”-AKHRI: Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya Oo Ka Fiirsanaysa Inay Xasan Daahir Aways Madaxaa Ha Ku Furto Ama Dil Ku Xukunto
Muqdisho(Hubaal)-Warar ku dhaw dhaw Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee somalia, ayaa sheegaya in laga Fikirayo Xukunkii Lagu qaadi Lahaa sheikh Xasan Dahir Aweys ooh ore u ahaan jirey HOggaamiyihii Ururkii Burburay ee Xisbul Islaam.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Dacwado tiro dhaaf ah oo ay soo qorteen dad dhibaato dilal ka mid yihiin ka tirsanaya sheikh Xasan Daahir kuwaas oo buux dhaafiyey Xarunta Maxkamadda, isla-markaana ay maxkamaddu doonayso inay dhawaan gudo gasho Dawcadahaas, taas oo ay dhici karto in xukun dil ahi kasoo bixi karo.
Waxaa lagu muran san yahay in Xassan Dahir la mariyo wadadii ay mareen dhalinyaradii ka tirsanaa Alshabaab ee maalmahaani ay Maxkamadu dilalka ku fulineysay, halka Beesha Xassan Dahir ay qabto inaan la xukumi Karin wadaadka haddii ay dhacdana ay ka bixin doonaan Jawaab.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa la filayaa in loo gudbin doono kiisaska la xidhiidha Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Xassan Dahir Aweys, waxa ayna wararku sheegayaan in DF ay gacanta ku heyso in kabadan 400 Kiisas la xidhiidha Xassan Dahir.
Lama Oga sida ay Dowladu ka yeeli doonto Arrinta Xassan Dahir oo la hadal hayo in lasoo taagayo Maxkamada, iyadoona ay Arrintaasi ay ka arinsanayaan DF iyo Beesha Xassan uu kasoo jeedo.
Himilo Media