Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo ku magac dheer Cali-guray ayaa waxa uu qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook-ga kaga hadlay mashruuca diiwaangelinta madaniga ah ee maanta sida tijaabada ah uga bilaabantay Hargeysa taas oo uu mujaahid Cali guray kamid ahaa masuuliyiintii kaadhka dhalashada halkaasi ka qaadatay.
Mujaahid Cali guray ayaa sheegay in mashruuca ay xukuumadu waday ee diiwaangelinta madaniga ah uu yahay mid wanaagsan isla markaana uu noqon doono mid fiican haddii aanay xukuumadu siyaasadayn oo aan qorshe kale la dhexdhigin.
Mujaahidku waxa uu sidoo kale qoraalkiisan ku sheegay qalabka loo adeegsanayo diiwaangelinta taas oo uu tilmaamay in uu yahay mid farsamo ahaan aad u sarreeya oo uu noqon doono mid ummada aayo dhaxalsiin doona haddii aan qorshe kale loo weecin, waxa aanu u soo qaatay sheeko uu ugu sarbeebayo xukuumadda oo macno weyn xambaarsan waxaanu ku bilaabay qoraalkiisa sidan:
“Bal Ogaada ninka saaka tijaabadii ugu horeysay diiwaangelinta Aqoonsiga Muwaadinka galay ayaan ahaye. Waxay I xasuusisay nin reer bari ah oo 1988kii markii laga qaxay Hargeysa iyo Burco Xarshin jaadle ka noqday. Hareerihiisa wuxuu arkay niman reer galbeed ah oo sida ay ugu sayaxayaan iyagu jaadkooda uu la yaabay arkayna in ay ka khibrad badan yihiin. Mid ku xigay oo miis agtiisa dusha kaga taagan ayaa wuxu ku sayaxayaa “WAA BEERTII LIBAAXA LOOGA BAQAY, WAA BEERTII LIBAAXA LOOGA BAQAY”. Markii dambe ayuu intuu isba kabadhkii jaadkiisa dusha iskaga taagay ayuu cod dheer ku qayliyay ” WAAR NIN BAA JAAD HAYA EH WUU SAN IIBIN GARANAYN”.
Inkasta oo aanan ku takhasusin ITga haddana waxan ogaaday in mashruucan ay xukuumaddu waday haddii aanay siyaasadayn oo aanay dano kale dhex gelin uu aad fiicnaan lahaa hadana fiican yahay. Sideeda farood iyo labada suul ayaa lagaa dhigayaa dabeed hadaba indhaha ayuu qaadayaa. Wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay Network oo server-ka toos ayuu ugu gudbinayaa . Kaadhka waxa la igu yidhi 15 cisho ka dib ayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha laga qaadanayaa. Bal aan eegno. Waxan waydiiyay haddii aan meel kale ka galo hadmuu serverku I qaban karaa? Kuyii marka uu uploadingka qaato ee uu baadho ayuu hadii aad hore u qaatay ku qabanayaa ilayn Networka ayaa toos ehe. Waan tijaabinayaa oo waxan doonayaa in aan nar kale meel kale ka galo, hadii aanay dembi ahayn in aad laba goor gashaa.
Runtii mashruucani waxay ahayd in aanay labada wasiir ee hoosta gashaday aanay siyaasadayn hadda in la daba wabtona waa loo baahan yahay waayo xaaladaha qaar ayay Soomaalidu tidhaa ” YEELKO EH SOW XOOLO TOL OO DAB GALAY MAAHA? HA LA CUNO. KOLAY WAA KHARASHKEENII OO BAXAY EH HA LA WADA GALO DIIWAANGELINTA KAADHKA MUWAADINKA AH INTII AY SUURTOGAL U TAHAY.” Ayuu ku soo gabagabeeyay Cali Guray