Gudaha Ka Akhri War-murtiyeed Ay Soo Saareen Guddida Beesha Ciise Ee Ku Sugan Caasimada Hargeysa

0
24

Hargeysa(Hubaal) War Murtiyeed ka soo baxay gudida Ergada ah ee Beesha Ciise ee ku sugan Caasimada Hargeysa mudo afar bilood ah Anagoo ah gudidii duqaydii beesha ciise ee loo soo igmaday inay kala xaajooto xukuumada Go’aanadii ka soo baxay Shir-Weynihii Ceel gaal lagu qabtay Bishii Labaad 2014 ka.

war-murtiyeedHadaan nahay gudidii Hawlaha loo soo igmaday Waan gaadhsiinay Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilanyo Ilaa hadana wax jawaab ah kamaanan helin muddo afar bilood ah Waxaan baaq u diraynaa beesha Ciise ee ku dhaqan gudaha iyo dalka dibadiisaba waxa cad in Xukuumada somaaliland ay si toos ah uga marantay Danaha beesha Ciise waxa ka markhaati ah amusnaanta maraysa muddada afarta bilood ah sidaa La Ajligeed waxaan mar labaad Beesha ugu baaqaynaa inay shir deg deg ah iskugu timaado Magalo Madaxda Gobolka Selal ee Saylac si ay uga tashato danaheeda iyo Dhulkeeda iyadoo cidna u daba fadhiisanayn Gudoomiyaha Ergada Xasan Xuseen Cigaal Af-hayeenka C/laahi Cismaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here