GUDAHA KA AKHRI Warsaxaafadeed Xisbiga WADDANI Ku Hambalyeeyay Guulaha Is Daba Jooga Ah Ee Uu Soo Hooyay Ciidanka Qaranka Somaliland

0
24

xisbiga WaddaniWaxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta xorta ah iyo dhammaan akhristayaasha sharafta leh , waxaanaan ku salaamayaa salaanta ISLAAMKA EE ASALAUMU CALAYKUM.

Haddii aanu nahay XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI, waxaan hambalyaynaynaa ciidanka qaranka ee Somaliland oo si hagar laanta ah ee uu waajibkiisi qaran u gutay ee ah inuu ka difaaco dalka cid aliyaala iyo cidii ku soo xadgudubta xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland,
Waxaynu ka war qabnay in maalmahanba colaad Somaliland dhexdeed laga maleegayay oo uu hubku iyo saanaduba ka imanayeen Somalia, taas oo looga dan lahaa in la iska hor keeno dadwaynaha Somaliland, iyada oo la adeegsanayay Siyaasiyiin nabad diid ah kuna caan baxay iska hor keenka shacabka kuwaas oo Iskooda u shaqaysata oo aan u dananayan shacabka reer Somaliland.

Xisbiga Waddani wuxuu mudooyinkan danbeba ka qaylinayay dawladda laga dhex dhisayo dalkeena Somaliland, waa ilahay mahadii mar haddii ay xukumadeenu u dego nuglaatay baaqi xisbiga waddani, waxaanu leenahay haddii ay xukumadeen sidaas oo kale ugu dhego nuglaan lahayd baaqyadii horena sidaa maanta anuu guushan ugu amaanayno baynu u guulaysan lahay.

Waxaanu ku baaqaynaa in cidii reer Somaliland ah ee wax tabanaysaa ay wadahadal ku dhamaysato ee aanay iyadu sharciga gacanteeda ku goosn soona adeegsan ciidamo shisheeyah iyo qori caaradii.

Waxaanu u soo jeedinaynaa Xukumadeena.

1. inay talaabo caad ka qaado xidhiidhki inaka iyo Somalia
a) in la laalo dhamaan wadahadaldii Somalia iyo Somaliland.
b) in la joojiyo isu socodkii Somalia iyo Somaliland
c) in la xidho xuduudaha Somlia iyo Somaliland.
d) In dib u eegis lagu sameeyo Qaxoontiga Somalia

ALLA MAHAD LEH

Faisal farfidiye

Golaha fulinta ee
xisbiga waddani

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here