Duruqsi(Hubaal)-Muranka ka taagan Dhul laysku haysto ayaa sababtay xiisad hor leh oo ka taagan degmada Duruqsi oo ka mida degmooyinka hoos yimaada Gobolka Togdheer.
Maleeshiyaad hubaysan oo laba dhinac ah ayaa la sheegay inay maalmihii ugu dambeeyay isku hor-fadhiyaan Dhul laysku haysto oo gudaha Magaalada ku yaalla, kaasoo ay laba dhinac kala sheeganaayan.
Dhinac ka mid ah Dadka isku haysta ayaa la sheegay inay goor habeenimo ah Dhagax ku rogeen dhulkaas, sidii oo ay dhisayaan. Waxa la sheegay in dhinaca kale ee ay isku haystaan inta ay is-hubeeyeen, gaadiidka ay kaxaysteen ay dhagixii ka gureen.
“maalmahanba xiisadaasaa taagnayd, dabadeed shalay ayaan guddoomiyaha Degmadu gaadhigiisa afar askari ku soo qaaday, afartii askari ayaa soo qabqabtay 7 qof oo dhinacyadii dhulka isku haystay ah”. Sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Bulshada deegaanka.
“ dadka la soo qabtay waxay kala yihiin 3 iyo 4 labadii dhinac ah, waana isla dadka deegaanka uun” ayuu sii yidhi goob-joogahan oo codsaday inaan magaciisa la soo xigan.
Dhinaca kale, wararka naga soo gaadhay Magaaladaasi, waxay sheegayaan in xoghayaha Dawladda hoose ee degmadaas maanta duhurkii weerar lagu qaaday, kaasoo ay rag hubaysani rasaas ku rideen abaaro 1:00 duhurnimo ee Axada Maanta.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in Xoghayuhu dirqi kaga badbaaday Rasaasta lagu riday, waxaana weerarka lagu qaaday uu daba socda khilaafkan ka taagan Dhulka hubka laysugu qaatay.
Goob-joogeyaasha ayaa sheegay inay rasaastu madaxa kaga dhici gaadhay xoghayaha la weeraray. “wuu sigtay ILAAHAY ayuunbaa ka badbaadiyay” ayuu yidhi goob-jooge ku sugan Deegaanka oo Gobanimo la hadlay.
saraakiisha dawladda iyo wax-garadka deegaanku toona wali war rasmiya kamay soo saarin xaalada deegaanka laga soo warinayo, hase ahaatee warar madaxbanaan oo dadka deegaanka aanu ka helnay ayaa sheegaya inay wali Maleeshiyaadka dhulka isku haystaa ayda ku jiraan oo aan la soo wada qaban.
Cabasho ka dhan ah maamulka dawladda ee Degmada duruqsi oo muddo dheer Bulshada rayidka ah ka soo yeedhaysay ayaa dhanka kale loo aanaynayaa kala dambeyn la’aanta heerkan gaadhsiisan.
Tan iyo horaantii sanadkan dadka deegaanka waxa ka soo yeedhaysay cabasho ay kaga soo horjeedaan masuuliyiinta dawladda u qaabilsan degmada oo ay ku eeddeynayaan, maamul xumo, wax isdaba marin iyo gaabis dhanka shaqada ah.
“waad ogayd in beryahaaba dadka cabasho ka soo yeedhaysay, wixii laga cabanayay ayuunbaanay tanina salka ku haysaa, meeshana bilays ku filan amniga iyo ciidan kale toona ma joogaan” sidaasi waxa Gobanimo khadka telefoonka ugu sheegay mid ka mida wax-garadka degmadaas oo xukuumadda baaq u soo jeediyay “waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa inay xaaladan wax ka qabato oo amniga degmada iyo waxyaabaha kale ee jira soo eegto” ayuu hadalkiisa raaciyay Ninka u hadlay dadka deegaanku.
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay si toosa u khuseeyaan xaaladan isa soo taraya ee degmada Duruqsi ka taagan ayaan ilaa hada wax jawaab ah ka bixin dhawaaqa ka soo yeedhaya bulshada deegaankaas.
Badhasaabka Gobolka Togdheer oo ay si gaar ah arrintani u hoos timaado ayaa ku sugan Caasimada dalka ee Hargeysa, waxaanu maanta ku sugnaa markii ay dhacdooyinkani socdeen Qasriga Madaxtooyada ee dalka laga maamulo, halkaasoo uu goor dambe oo xilli-qadihii ah ka soo baxay, sida ay xogaha Madaxtooyadu noo sheegeen.
Muranka dhulka ayaa ka mid ah waxyaabaha dhibaatada ugu weyn ee xagga amniga ah sababa Magaalooyinka iyo dhulka kale ee Reer guuraagu munaafacaadsado, sida looga soo joogay shaqaaqooyin badan sanadihii ugu dambeeyay dhacay.