Gudaha Ka Akhri:Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ka Digay Halis Ka Dhalan Karta Lacagaha Somaliland Looga Soo Diro Dalkooda

0
25

London(Hubaal):- Baarlamaanka waddanka Ingiriiska, ayaa ka digay halista iyo khataraha Dhaqaale iyo Ammaan ee ka dhalan kara Lacagaha Somaliland iyo dalalka dunida saddexaad ay u soo diraan Qurbo-jooggooda ku dhaqan Britain haddii aan loo helin lacagahaasi dariiqyo sharci ah oo ay maraan, ka dib markii Baanka Barclays go’aan ku gaadhay inuu xidho Xisaabaadkii ay ku lahaayeen Xawaaladaha Soomaalida iyo kuwo kale-ba.

ingiriiiska

Hase-yeeshee, Xukuumadda Ingiriiska, ayaa ka hadashay siyaasadda ay ka leedahay Lacagaha loo soo diro dalal ay Somaliland ku jirto ee Qurbo-jooggooda u dhashay dib ugu soo diraan Eheladooda iyo Asxaabtooda, ka dib markii dood arrintan ku saabsain Arbacadii Doraad ka dhacday xarunta Baarlamaanka Britain.

Xildhibaan Rushanara Ali oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlaysay saamaynta Lacagaha la diraa leeyahiin, ayaa tusaale u soo qaadatay Somaliland oo ay sheegtay inay dedaal ugu jiraan sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen dalkooda, lagu naanayso Jasiiradda Xasilloon oo ku taal gobol muddo badan colaado soo aafeeyeen.

Xildhibaan Rushanara, ayaa sheegtay in Qurbo-joog badan oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland ay ku sugan yihiin waddanka Ingiriiska, isla markaana ay ku nool yihiin Xaafadda laga soo doorto ee ee magaalada London dedaal ugu jiraan sidii ay ugu diri lahaayeen dariiqyada sharciga ah lacago ay ku taageeraan dadkooda oo wax ka tara dib-u-dhiska dalkooda iyo nolosha qoysaskooda ay dalkooda kaga tageen.

“Wixii ka dambeeyey June 2013-dii, markii Baanka Barclays ku dhawaaqay inuu joojinayo shaqada Xawaaladaha waxaan bilaabay inaan olole u galo sidii Baarlamaanku u taageeri lahaa helitaanka dariiq habboon, ilaa wakhtiganna 50 Xildhibaan ayaa fikirkaa ila qaba.” Sidaa ayay tidhi Xildhibaan Rushanara Ali.

Xildhibaan Rushanara waxay ka digtay in haddii la waayo xal deg-deg ah. “Haddii la waayo xal deg-deg ah, Muwaaddiniintu iyagaa raadsan doona dariiqyo ay ku caawiyaan ehelkooda Somaliland, taasoo halis u ah in Lacagahooda la dhaco, innagana innagu keeni karta culays dhaqaale, Bani’aadminnimo iyo mid ammaan-ba.” ayay tidhi Xildhibaan Rushanara.
Wasiirka Dhaqaalaha dalka Ingiriiska Andrea Leadsom, oo ka hadashay Siyaasada Xukuumadda ay ka tirsan tahay, ayaa sheegtay inay ku hawlan yihiin sidii loo abuuri lahaa daqiiqyo sharci ah oo Qurbo-joogga deggan Ingiriisku ugu diri karaan Lacagaha ehelkooda iyo saaxiibbadooda waddamada soo koraya.

“Waxaan caddeynayaa in Xukuumadda Ingiriisku diyaar u tahay samaynta wax kastoo aan ku xaqiijin karno sidii Lacagaha la diro u sii socon lahaayeen iyagoo maraya dariiqyo sahlan oo ammaan ah.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Dhaqaalaha ee dawladda Ingiriisku Andrea Leadsom.

xigasho: Himilo Media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here