“Waxa na soo hor istaagay gaadhi uu midabkiisu yahay sibidhi oo surf ah. Cabbaar ayay indha-indheeyeeyn Rugta Madaarka oo aan ku jiray. Anigu waxa aan filayay in la i sii daayo illaa 08:00 arooryo, wakhtiguna waxa uu ku dhawaa 10:00 barqannimo. Sidaas ayaan u baalla-daymoonayay, nin uu soo diray abtigay Xuseen Cabdi Cilmi oo ka shaqeeya Kaalmaha shidaalka diyaaradaha ee STAR ayaa ii yimi. Waxa aan u sheegay in oodda la iga qaadayo, sida kalena aan fiicanahay. In uu bariido waalid iga gaadhsiiyo hooyaday mataankeeda ama abtigay rumaad ayaan faray. Gacaltooyo ayuu igu sagootiyay”. Maxaa ku siigay, waa kane bogta.
“Maadaama oo wakhtigi is-gurayay waxa aan maaweelo ka dhigannay mudaharaad kooban oo ah gubista qashin isugu jiray cunno, qaad, sigaar, qashin-saar jidheed, baco, karaatoon IWM oo meesha tuulnaa. Inta aan kolba in isku cabbeeyo oo aan ololiyo ayaan dibadda dhigayay. Waxa arkay been-ma-sheegayaashii oo maagay askarigii ilaalada ahaa Maxamed-Case.
Inta uu gaadhku ii yimi ayuu yidhi “keen dabdaacda”. Qacdiiba waan u dhiibay, qashinkiina wuu guray, dabkiina waxa uu ku rusheeyay biyo oo gacantiisa ayuu ku demiyay. Maxaan laylis u diray? “way kaaga badan” ayuu raaciyay. “Cirka jeex soo dumiya” ayaa la yidhi. Rugta idili waa laba makshin oo sabbad ah. Gaadhigii ayaa hor istaagay qolka dhinaca Galbeed xiga oo aan ku xidhnayn aniga iyo wiil kale oo Masallaha laga soo taxaabay. Isla dhawr daqiiqo ayuu yidhi “mee Siciid Maxamuud Gahayr?”
“Waa kan” ayaan ugu warceliyay
“Soo bax oo fuul gaadhiga” ayuu raaciyay. Guntiga ayuu qabtay macawis aan xidhnaa
“Waxa maqan koor-gacmeed iyo kabo” ayaan idhi. Labadiiba waa la ii keenay.
Anigu waan macaansanayay xadhigga goobtan, waxaanu ii leeyahay saldhiggani xusuus gaar ah oo la xidhiidha dhinaca qoyskayga. Sannadkii aan dhashay oo ahaa xilli ay aabbahay Marxuum Maxamuud Gahayr Warfaa (Kabadheere) xabsiga ay u taxaabtay dawladdii milarigu oo lagu xidhay saldhig ku yaalla gegada diyaaradaha ee Cigaal waxa uu sheedda ka halacsaday hillaac iyo heego u curatay Koonfurta Hargeysa. Hugunka onkodkana dhegta ayuu u raariciyay. Waa guyaad roobban, waxa ay saadaashu ula muuqatay in caanaha rakaad iyo durduurba la dhamayo. Isaga oo ka xun inay kacaanku ka xayireen xorriyaddiisii qofeed ayuu ku hal-qasaday Ina Huruuf oo markaa tacaddiga jeel la qaybsanayay ama la xidhnaa.
Waxa uu yidhi
Hawdkeenni roob baa ka da’ay, Ina Huruufowe
Imakaa haleelada nirgaha, loo hitiqityaaye
Hantiiluhu hadduu maalayaa, helina caaniiye
Halkee baan ka gaadhaa, xabsay igu “ham” siiyeene?
Kursiga hore ee gaadhiga waxa saarnaa nin xidhan muraayad madaw. Da’ ahaan waxa uu ahaa illaa dhawr iyo afartan sanno. Xagga dambena waxa saarnaa laba oday oo cirro leh. Haddii aan qiyaaso illaa dhawr iyo konton ayay madaxa ka gooyeen. Niman aamusan oo aan hal xaraf ka soo bixin ayay ahaayeen. Hareeraha iyo hortayda ayaan si fiican u eegay. Gartay in la ila kala wareegay sidii adhi-dammaanka. Maadaama oo ay gudhnaayeen in aan godliyo ayaan door biday.
“Ma ciidanbaa ila wareegay mise shacab. Waa maxay raggan aanan garanayni. Yaa kkkkk”. Waxoogaa ayay dhoollo-caddeeyeen. Si aan isugu sheego masaakiinta la soo hoday ayaan ku idhi
“Kollay hayb ahaan nin Somaliland ah oo reer Hargeysa baan ahay. Malaha waxa aanu xigaal nahay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo aan diiwaankiisana qoray. Abtiyadana waxa ka mid ah Maxamed Muuse Abees, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada. Wax la idiin sheegay mooyi ee shalay ayaanu nin feedhtannay, keli ayaan xidhnaa. Saakana ma sii-deyntii ayaa wareejin lagu daray?. Kalsooni buuxda ayaan naftayda ku qabaa, sharciyaddana waan ixtiraamayaa. Haddii aad samada i geysaanna ha iga dhawrina habrasho iyo hadal jilicsan”.
Kkkkk markaas ayay af-gobaadsadeen. In aanay hadimo iyo hantaaqi jirin ayuu iigu maan-qaboojiyeen. Kollay wax kale mooyaane, aniga si wanaagsan ayay iila dhaqmeen sirdoonka Gobolka Maroodi-jeex. Waxa aan mahad-naq gaar ah u jeedinayaa Xaaji Axmed Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Oday Cabdi-Waraabe) oo aan habeenkaas ka seexan xadhigga la ii geystay. Waa milxiiskii aroos ka dhacay Xaabaale sannadkii 1984kii oo lagu aasaasay qoyska aan ka soo jeedo.
Intii aanu saarnay gaadhigii uu wadaha ka ahaa wiilka reer Doqorshey waxa aanu wadaagnay hadallo ay ka mid ahaayeen.
“Idinku yaad ahaydeen”
“Basaasiintii dalka. Kkkkk waa shaqada nalagu xanto”
“Waar anba beri baan ka tirsanaa kkkkk waanu is-garanaynnaa qaar badane halkee la igu wadaa”
“Abtigaa Muxsin Aw Cali Sheekh Jaamac”
“Kuwii tolkay waanu kala adkaannaye, ma abtiyaday ayaa la ii soo diray. Waan ka xumahay xitaa waxa aan wasiirrada qaar ku dhaafi jiray hooyaday. Kuwa aanu tolka nahay uma habrado. Dhib malaha haddii uu Muxsin xadkii ka soo gudbay”
Cabbaar ayaanu sheeko is-weydaarsannay. Sidii haasaawuhu u socday ayaanu soo gaadhnay guri ku yaalla meel ka dambaysa dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Macrad ka sokeeya UNICEF ayaanu ka laabannay, buur ayuu gaadhigi fantay. Aakhirkiina waxa uu wacay ilaaliyihii meesha sidaas ayaan dalqada ku galay. Guwaantannaamo dheh!. Imaka malaha way ka guureen, waxaanan xan ku maqlayay in ay deggen yihiin meel ka dambaysa Asbiima: Dhinaca koonfureed ee dhismaha Hawd ka xiga Dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Ma garanayo waxa ay la dhuumanayaan. Hore ayaa loo yidhi
Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye.. Allaylehe iyaga ayaa Eboola iyo Argaggixiso ah.
La soco qaybta labaad haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa
saedmgahair@hotmail.com