GUDAHA KA AKHRISO: Maareeyaha Marsada Berbera Oo Madaxweyne Sillaanyo U Bandhigay Mashaariic Dekedda Laga Hir-gelinayo

0
32

“Waxa uu tusay goob Dekedda iyo Wasaaradda Maaliyaddu ka dhisayaan Deked yar oo alaabaha la dhigo”

Berbera(Hubaal) Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Maxamed Xoor Xoor ayaa shalay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo geeyey Dekedda Berbera, halkaas oo uu warbixino kaga siiyey dhawr mashruuc oo ay Dekedda ka hirgalinayaan isaga iyo wasiirka Maaliyadda Somaliland.

u_79909d_2012-10-22-8-23-54f_IMG_41281Eng: Cali Xoor Xoor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo joojiyey goob uu ka dhisayo Dekeda yar oo badeecadaha la dhigo marka ay markabka ka soo rogaan, taasoo ku kici doonta shan Milayn oo Doolar, isagoo xusay inay wasaaradda Maaliyaddu ka taageerayso.

Sidoo kale, waxa uu Maareeyuhu Madaxweynaha tusay mashruuc kale oo Dekedda laga hirgalinayo kaasoo ah qalabka ka ilaaliya maraakiibtu inay Dekeda ku dhacdo, waxaanu sheegay inay faa’iido weyn u tahay Maraakiibta iyo Dekedda lafteeda.

Maareeye Cali Xoor Xoor waxa uu markii danbe Madaxweyne Axmed Siilaanyo geeyey maqaaxiyaha Berbera iyagoo in badan suuqa dhex lugeeyey, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo u ahayd booqashadiisa shalay mid farxad galisay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here