Gudaha Ka Akhriso: Waaxda gar-soorka Oo Shaacisay in ay laashay lacagtii laga qaadi jiray gal-dacwadeedyadda madaniga ah

0
40

“Anniga oo ka duulayo barnaamijkii madaxwaynaha  Somaliland ku balan qaaday in uu  dib-u-habayn  ku samaynayo xagga cadaaladda iyo gar-soorka, in marka laga bilaabo 30-8- 2014-ka  ay istaageen Lacagihii sharci daradda  ahaa,  ee laga qaadi jiray dadweynaha loo adeegayo”…

Hargaysa (Hubaal): Waaxda gar-soorka Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay laashay lacagtii cashuurta ahayd ee laga qaadi jiray gal-dacwadeedyadda madaniga ah, lacagahaasi oo la sheegay in ay ahaayeen sharci darro.

Sidaasina waxaa sheegay guddoomiyaha maxkamadda racaanka ee gobolka Maroodijeex md. C/rashiid Maxamed Duraan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaiiskiisa. Waxaanu sheegay in tallaabadaasi ay ka danbaysay ka dib markii uu arrintaasi wareegto ka soo saaray guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.

waaxda garsoorka

Waxaanu tilmaamay C/rashiid Maxamed Duraan, in iyada  oo laga duulayo barnaamijkii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku balan qaaday in uu  dib-u-habayn  ku samaynayo xagga cadaaladda iyo gar-soorka, isla markaana taageero dhaqaale ay ka geysatay hay’adda UNDP ay g’aansatay maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodijeex in laga hirgeliyo Barnaamij la yidhaahdo maamulka xalinta kiisaska (Case Management).

 

guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodijeex, oo faahfaahin ka bixinayay go’aanka ay soo saareen iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan halkan   ku soo bandhigo anniga oo ka duulayo barnaamijkii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku balan qaaday in uu  dib-u-habayn  ku samaynayo xagga cadaaladda iyo gar-soorka,  ayaa imika in muddo ah ama sannad ah waxaa  la waday sidii looga midho dhalin lahaa hawshaasi oo wakhti dheer soo socotay,  tababaro badan oo loo qabtay,  anaga oo meelo badan taageero iyo  gacan ka  helayna ayaa waxa aanu ku dedaalnay sidii ay  suurto gal u noqon lahaayeen shirarkaasi, waxa koow ka ahaa oo aanu maanta doonaynaa in aanu halkan ka sheegno, Barnaamij la yidhaahdo maamulka xalinta kiisaska (Case Management) in laga fuliyo maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex ee aan anigu masuulka ka ahay”.

 

C/rashiid Maxamed Duraan, ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay caqabadihii ka hor yimid markii ay doonayeen in ay banaamijkani hirgeliyaan. “Markii la doonayey  in mashruuca xalinta kiisaska   laga hirgeliyo maxkamadaha  gobolka Maroodi jeex waxa ka hor yimid  caqabado badan,  wax kasta oo la is-yidhaahdo wanaajiya  iyo wanaag kasta oo lagu talaabsanayo dhibaatooyin ayaa ka hor imanaya ,waxa ka mid ahaa waxyaabaha  ka hor yimid  Lacago dadka laga qaadi jiray,  oo aan sharciga waafaqsanayn, haddii  shacuur tahay iyo gaadhsiiyeyaashu lacag ay qaataan iyo haddii ay  tahay   lacagta  garaaca Araajida,  taas oo  ka dib ay dadwaynuhu  cabashooyin fara badan had iyo jeer  ta ay ka soo gudbiyaan  ay tahay,  oo ay yidhaahdaan Lacagayow baa maxkamaddii nalagaga qaaday.

 

Hadaba  guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Yuusuf Ismaaciil Cali,  waxa uu arrintaasi ka soo saaray   wareegto ku saabsan in marka maanta laga bilaabo la joojiyey lacagtii laga qaadi jiray khidmadda nuquladda xukunadda madaniga ah.  taasi oo aan halkan ku soo bandhigi doono, waxaana uu qoraalkaasi gudoomiyuhu u dhignaa  sidan:  waxa la idin farayaa in marka laga bilaabo  sodanka Bisha sideedaad ee 2014-ka in dhammaan ay istaageen Lacagihii sharci daradda  ahaa,  ee sida aan sharciga waafaqsanayn looga qaadi jiray dadweynaha loo adeegayo ama  maxkamadaha u yimaada Kiisaska” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo iyadna hore u jriin ba  xeerkii anshax marinta gar-soorayaasha ee ahaa in uu qabto cidda  laga cabanayo  ama cidda la leeyahay danbi  ayay  gashay, ama   la doonayo in tallaabo laga qaado aan looba hayn xeer lagu anshax-mariyo, markaa imika waxaa  la sameeyay xeerkii  anshaxa, oo  la faafiyey,  lana soo daabacay.  taasi oo ay qayb laxaad leh ka qaadatay Hay’adda  UNDP,  haddii ay tahay  sidii loo soo daabici  lahaa waraaqo is-tiikaro ah oo Gidaaradda loogu dhejiyo, isla markaana loo soo samayn lahaa,  taasina waxay meesha ka saaraysaa dacaayaddii dadwaynuhu ay odhan jireen laa-luush ayaa layska qaadaa ama dhaliishii lagu hayey maxkamadaha iyo gar-soorka dalka. iyadoo arrintaasi laga duulayana waxaa  dadwaynaha iyo cidii cabanaysa loo sameeyey meel ay ka cabato iyo goob ay ku hagaajiyaan Qoraaladooda,  waxaa iyagana la soo Daabacay Boodhadh iyo Istiikaro waaweyn, kuwaasi  oo laga hortaagay Maxkamadaha dalka hortooda iyo waliba kuwo yar yar oo xafiisyadda dhexdooda iyo gidaaradooda lagu dhejiyey.  si ay dadwaynuhu u akhristaan nidaamka xeerka cusub ee laga dhaqangaliyey goobaha caddaalada, taasi  oo macnaheedu yahay sidii dacwooduhu u heli lahaa meel uu u dacwoodo”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here