Wax-garad Kasoo Jeeda Galbeedka Burco Oo Ka Hadlay Shir-doceed ay Galabnimadii Shalay Isku Laab-xaadh-dheen Guddoomiyaha KULMIYE +VIDEO

0
58

 “Muuse Biixi Wax Baa Loo Sheegayaa, Annagana Wax Baa Naloo Sheegayaa, Laakiin Immika Waxanu Nahay Dad Is Calool-Xaadh-Dhay, Waxa Aanu U Ballanqaadnay In HY Ay Dimuqraadi Tahay Oo….”

 

Burco (Hubaal)- Madaxdhaqameed iyo waxgarad baaxad leh oo ka soo jeeda beesha deegaanka Galbeedka Burco ee Gobolka Togdheer, ayaa si buuxda u taageeray murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cuqaal, odayaal iyo waxgarad kale oo ka kala socday beesha Galbeedka Burco, ayaa taageero iyo inay dooranayaan u ballanqaaday Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo masuuliyiin kaloo xisbigiisa ah oo shirk u dhexmaray magaalada Burco oo uu hadda ku sugan yahay kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ugu tagay Gobolka Sool.

Shirka oo galabnimadii shalay ka dhacay guriga Martida ee Burco oo ahaa mid warbaahinta u furnayn marka laga reebo muuqaalo laga qaaday, ayaa markii uu dhammaaday waxa xubno ka mid ah cuqaasha iyo odayaasha ka qaybgalay oo la hadlay saxaafaddu ay sheegeen in si fiican la isugu afgartay kulanka, isla markaana odayaasha iyo waxgaradku aqbaleen codsi uu Guddoomiyaha KULMIYE kaga dalbaday inay doortaan oo codka siiyaan.

Waxa kaloo ay sheegeen in Muuse Biixi ka mid yahay dadka abaalka ku leh dalka Somaliland ee u mudan in loo doorto Madaxweynimo, taa beddelkeeda ay iyaguna kula dardaarmeen inuu caddaaladda ilaaliyo haddii uu talada waddanka ku guulaysto.

“Haddaanu Habaryoonis nahay xisbiga KULMIYE horena waanu ugu jirnay iminkana taageero adag ayaanu siinaynaa, xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo wax badan ayey ka qabatay dalka.” Sidaas waxa yidhi Oday Maxamed Ismaaciil Dubbad.

Habar yoonis La Shiray Muuse Biixi Caaqil Maxamed Axmed Naaleeye (Bidde) oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka ka qaybgalay kulanka, ayaa isna ka warramay natiijadiisa, waxaannu yidhi, “Muuse waxaannu u ballanqaaday in Habaryoonis dimuqraadi tahay oo ay xisbi walba codka siin doonto kiisa iyo kuwa kaleba. Soomaalidu way iska hadal badan tahay oo Muuse wax baa loo sheegayaa, annagana wax baa naloo sheegayaa, laakiin Muuse madaxda Somaliland ayuu ka mid yahay, mujaahidiintii wanaagsanaa ee SNM ayuu ka mid ahaa, markaa waxaannu ahayn dad wax loo kala sheegsheegayey oo iminka is calool-xaadhay.”

Sidoo kale, Oday Ayaale Cismaan Ibraahim oo la waydiiyey shirka iyo ujeeddadiisa waxa uu ku jawaabay, “Halkan shir ballaadhan baa ka dhacay oo ahaa xisbiga KULMIYE iyo beesha Habaryoonis, si fiican buu u dhacay, waanu soo dhawaynay Guddoomiyaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo Burco noogu yimi, wixii xuquuq ah ee beeshu ku leedahay xisbiga iyo xukuumaddaba waanu kala hadalnay, waanu soo dhawaynaynaa oo waanu taageeraynaa Guddoomiyaha iyo xisbigiisa.”

“Shirkan aannu galnay waxa la isku waafaqay oo shirku ku tashaday in la soo saaro Muuse Biixi oo la doorto,” sidaasna waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha la hadlay warbaahinta markii shirku dhammaaday.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here