GUDAHA KA DAALLACO Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha, Marwada Kowad iyo Wasiirka Caddaaladda Somaliland‏

0
34

Marka hore waxa aad iga guddoontaan bariido iyo maamuus aan idinku guddoonsiinayo xilka iyo kaalinta aad ugu jirtaan qaranka Somaliland dhammaantiin. Walaw aan awoodi karayay in aan si gaar ah idiinla soo xidhiidho waxa aan doorbiday in aan warqaddan si toos ah idiinku soo warbaahinta dalka. “Nin hillaab xumi in uu wax qarsanayo ayaa la moodaa” waa maahmaah Soomaaliyeed, sidaas ayaanan u ahayn ka hadlaya dan gaar ah balse faaqidaya xog ay ogyihiin inta badan shacabka Somaliland. Ma garanayo in aad ka war haysaan iyo in kale.

SMG SODRA

Mudaneyaal iyo Marwo, waxa dalkeenna ka furan xabsiyo kala geddisan oo loo taxaabo muwaaddiniin isugu jira kuwo eedaysaneyaal iyo kuwo beri ah. Aniga oo ah nin jecel nabadda iyo horumarka Somaliland waxa sannadkii u dambeeyay saddex jeer la igu xidhay caasimadda Hargeysa, ma jirto mar maxkamad la i horgeeyay iyo kiis la igu oogay midnaba “Gal oo bax” ayuu arrinku ahaa. Weliba haddii la awoodayo in la ii sameeyo dembi aanan lahayn, beri hore ayaa la yabyabi lahaa. Waxa aan ku badbaaday milgaha iyo qaddarinta aanu isu haynno ummadda iyo masuuliyiin ka gilgishay waxa aan i qaban ee la igu wanjalayo.

 

Ta ugu dambaysay oo ahayd 21kii Julaay 2014ka, waxa la igu xidhay madaarka Hargeysa kaddibna waxa la igu wareejiyay Sirdoonka Maroodijeex oo hubsiimo la’aan iigu qaaday gaadhi. Markii dambe, sirdoonka qaar ka mid ah oo aqoon ii lahaa ayaa caddeeyay in aanan ahayn qof samayn kara waxyaabaha la ii dhoobdhoobay oo aanan halkan uga sheegi karin sababo la xidhiidha aniga oo dhawraya heerka aqooneed ee ragga laga dhigay masuuliyiinta.

 

Malaha haddii aan is-sheego, waxa aan ahay arday ka tirsanaa Jaamacadda Hargeysa oo 26kii Juun 2010ka ka mid ahaa dhallinyaradii sida xilkasnimada leh uga shaqaysay doorashadii xilligaas dhacday ee aad kuraasida iyo qasriga kula wareegteen, Macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Xubin ka mid ah qoraayada dalku leeyahay. Ma garanayo deelqaaf aan galay, keliya dhawrkii gu’ ee u dambeeyay waxa aan ku foogganaa qoraalka diiwaanka SAMO-TALIS: Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf iyo cilmi-baadhis kale oo dan u ah dadkeenna. Buuggaasi waa ka aan ku helay shahaado-sharafta ay horraantii sannadkan i guddoonsiiyay Marwada Koowaad ee Somaliland ahna Marwada Madaxweynaha Aamina-Sheekh Maxamed Jirde (Weris).

 

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid waa waalidkay iyo abtigay, marna waa aqoonyahan aanu wada-dhigan jirnay Jaamacadda Hargeysa sannadkii 2005 oo uu isagu ahaa kuwa ugu sarreeya anna aan bilaw ahaa. Waa nin ka hufan eexda, qabyaaladda iyo qaran-duminta. Waa mujaahid ka tirsanaa Halgameyaasha SNM iyo cabqari u adeega dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa aan idinka codsan lahaa in aad hubisaan hannaanka xabsiyada, maxkadamaha iyo saldhigyada dalka oo aad mooddo in ay la mid yihiin Saldhiggii Guwaantannaamo Bay ee uu Maraykanku ku lahaa Kuubba.

 

Imisa ayaa qof dulmi u xidhan?

Kormeer noocee ah ayaad samaysaan?

Intee ayaa lagu af-jaraa eedaha?

Ma dadka ayaa lagu beerayaa colaad iyo nacayb ay askarta iyo xukuumadda u qaadaan?

 

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here