GUDDAHA AKHRI: Heshiis 12-qodob Ka Kooban Oo ay Maanta Kala Saxeexdeen Puntland iyo Dawladda Federal-ka Somalia

0
27

Garowe (Hubaal)-Maamul-goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaal-ka Soomaaliya, ayaa Maanta heshiis ka kooban 12-qodob ku kala saxeexday Magaalada Garowe oo muddo shirar uga socdeen.

Wada hadalo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay u socday gudiyo labada dhinac ahaa ayaa maanta waxaa la gaadhay heshiis rasmi ah, waxaana qodobada heshiiska wada saxeexay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Heshiiska som & puntMunaasabada lagu saxeexayay heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Beesha Caalamka, sida wakiilada Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo kuwa kale.

Heshiisyada labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in heshiiskii maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ay noqoto gobol iyo badh, gaar ahaan qeybta koofureed ee Mudug inay raacdo Galgaduud, halka Puntland loo daayo qeybteeda waqooyiga ah, kaasoo ahaa qodobkii ugu dhibka badnaa ee labada gudi ay maalmahan isku hayeen.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ka hadlayay qodobkaas ayaa sheegay in iyagu aanay diidaneyn maamul ay sameystaan deriskooda, balse arrintu aheyd in la cadeeyo, waxaana uu xusay inay ka taageerayaan sidii maamul u sameysan lahaayeen sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed oo isna ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah, isagoo tilmaamay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay hirgelinta heshiiskan.

Munaasabadan ayaa waxaa khudbado ka kala jeediyay wakiilada ka socday beesha caalamka oo si isku mid ah u soo dhoweeyay heshiiska.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here