GUDDAHA AKHRI: Mujaahid Xasan Ciise Oo Si Adag Uga Hadlay Talaabada Ay Xukuumaddu Ku Hor Istaagtay In Lagu Qabto Huteelka Hiddo Dhawr Xuska Maalinta Shuhadada SNM

0
25

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Ayaa Cambaareeyay Falkii ay xukuumaddu Xarunta Hiddo Dhawr kaga hor-joogsatay in lagu xuso Maalinta Shuhadada SNM.

Xasan Ciise oo la soo xidhiidhay Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ay arrintani ka hor imanayso Xorriyada iyo madax banaanida Somaliland.

xasan ciiseWaxaanu yidhi “Waxa aan Cambaaraynayaa Talaabada ay xukuumaddu Xarunta Hiddo Dhawr ee Magaaladda Hargeysa kaga hor joogsatay in lagu xuso Maalinta Shuhadada SNM.

Xuska Shuhadada Runtii Dawladu Ma laha ee dadka ayaa leh, waxaanay ahayd in ay shacabku si xorriyad ah u xusaan  iyaga oo aan  nabad galyada waxba yeelayn, waxaase talaabadani ay noqonaysaa mid xorriyadda lagaga qaadayo shacabka.

Xuska Rasmiga ah ee Maalinta Shuhadada SNM Waa la ogsoon yahay oo waxa qabta Sooyaal taasi cidi ma diidana, laakiin Xus aan rasmi ahayn dadku hadii ay qabsadaan Xor bay u yihiin.

Salaada Ciida Garoon keliya laguma wada tukado ee garoomo kala duwan baa lagu tukadaa, markaa in la yidhaahdo xuska rasmiga ah mooyaane, xus kale ma dhici karo, ismana diidayso oo waa la ogol yahay in ay sooyaal ay qabato xuska rasmiga ah, laakiin dadkii SNM Xusas aan rasmi ahayn hadii ay qabsadaan xor bay u yihiin” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here