Jimiiciyada shuhaadada SNM ee Sooyaal ayaa ka hadashay xiliga la qaban doono xuska maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17/10/2014 oo ah maalinta Jimcaha ah ee Beri
Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Yuusuf Maydal Cumar oo sheegay xaflada xuska sanad guurada soddonaad ee ka soo wareegtay maalinta SNM lagu qaban doono maalinta Sabtida ah fagaaraha beerta xorriyada ee magaaladda Hargeysa isaga oo xusay in qabashada xuska maalintan aanay khusayn xisbiyada balse ay tahay mid ay khusayso Jimiiciyada Sooyaal,waxaana isaga oo ka hadlaya uu yidhi
“waxaanu dadweynaha Somaliland u sheegaynaa in xafladii loogu talagalay xuska maalinta SNM ay noqotay maalinta Sabtida ah,waxaana lagu qabanayaa fagaaraha beerta xorriyada 8:00 subaxnimo,arrintaas oo ah arrin u taala jimiiciyada Sooyaal ee mujaahidiinta,arrintaas oo aan khusaynin Kulmiye,Waddani,Ucid,kuwa madasha wadatshiga iyo cid kale oo siyaasi ah,siyaasadna waa ay ka madaxbanaan tahay maalintani in la siyaasadeeyana ma ogolin” sidaas waxa yidhi Yuusuf Maydal Cumar
Hadaba Mustafe Sheekh Cumar ayaa wuxuu ka waraystay khilaafkan ka taagan qabashada xuska maalintan Yuusuf Maygal Cumar oo ka tirsan Jimiiciyada Sooyaal waxaanu waraysigan u dhacay sidan:
Su’aal: Maxaa ku jaban ee dhacaya hadii ay cid gaar ahi ama dadka kaleba ay qabtaan xuska maalinta?
“waxa wanaagsan in xuska aynu meel isugu gayno hadii aanay waxba ku jabnayn oo aanay dhibaato jirin oo aynu midayno oo qofkii kasta ee mujaahida ee qabanaya intaynu halkan isugu keeno ilayn halkanbay wax inoogu urursan yihiine oo xuka weyn ku qabano dabadeed cidii kale ee taariikhda mujaahidiinta kasii sheekaynaysa ee sii xafladaynasaana ay sii xafladayso,laakiin xaflada guud aynu meel isugu nimaadno”
Su’aal: Markaa makala hadasheen qoladan kale (Sahra Halgan) oo mala xidhiidheen oo ma u sheegteen inaydaan waxba u arkayn?
“May, runtii noomay suurto gelin waana arrin lahayd inaanu kala hadalno oo aanu la xidhiidhno waase noo suurtogeli weyday,arrintani inay sidaa u dhacdana waanu ka xunahay,manay fiicnayn inay sidaa u dhacdo waayo iyaduba mujaahidiinta ayay kamid ahayd cida kale ee meel joogtaana mujaahidiinta ayay kamid yihiin,laakiin mujaahidiintu way ka midaysantahay oo iskuma khilaafsana taariikhdu siday tahay”