Guddaha Ka Akhri: 10 Sifo Oo Uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Ku Mudan Yahay Inuu Noqdo Madaxweynaha Somaliland
1.Waa dhallinyaro, labada nin ee kaleba waxay marayaan da’dii meydka lagu maydhi jiray “lagu nasan jiray” ee gabawga. Waxa la joogaa xilligii ay dhallinyaradu la wareegi lahayd hoggaaminta qaranka.
2.Waxa uu leeyahay aqoon cusub oo la jaanqaadaysa casriga maanta iyo heerka caalamku marayo ee horumarka, dhaqaalaha iyo koboca nolosha
3.Ma aha nin u shaqeeyay dawladdii faqashta, waxa aad mooddaa in ay weli ina haystaan hadhaagii kacaanku: mid jabhad ku biira iyo mid xukuumaddii Soomaaliya ku duntaba. Waxaynu u baahannahay in laga xoroobo ardaydii Maxamed Siyaad Barre
4.Waxtar uu waddanka u geysto mooyaane, ma aha nin dalka waxyeelleeyay sida musuqa, dagaallada sokeeye iyo aafooyinka kale ee ina ragaadiyay. Wuxu taageeri jiray ardayda, dugsiyada, qoraalka iyo hayaanka togan.
5.Jamaal Cali Xuseen ma aha nin ku dhaqma tollaysiga, waxa uu si siman ugu dhex yahay gobollada iyo dadka Somaliland.
6.Ma aha nin dalka u soo shaqo tegay, yoolkiisu waa in uu dadka u shaqeeyo. In uu qaato mushahar ka badan ka Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka doorbiday in uu dhaqaalihiisa iyo caqligiisa geliyo ciidda hooyo.
7.Jamaal Cali Xuseen waa guul iyo kaalin sare ka gaadhay shaqooyinka caalamiga ah ee uu adduun-weynaha ka hayay ku dhawaadka labaatanka sanno, taasna waxa laga garan kartidiisa waxqabad. In la doortaa waa jidka keliya ee rumaynta himilada dadkeenna.
8.Intii uu caalamka ka shaqaynayay waxa uu si walba u taageeri jiray qaddiyadda iyo madax bannaanida Somaliland, ma aha kuwa is-beddela marka ay qurbaha u dhoofaan ee hadba midab yeesha. Waxa dhuuxiisa ku jira dareen waddaniyadeed oo xoog badan.
9.Mar haddii aynu axsaabta kale ku tijaabinnay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo aynu aragno mudaharaadka, musuqa, eexda iyo fashilka ay ku dhaqmayaan, UCIDna yahay Xisbiga ugu da’da weyn Soomaaliland waa markii UCID.
10.Waxa uu mudan yahay in ay bulshada Somaliland u celiso abaalka badan ee uu ku leeyahay, sidii uu ardaydeenna u taakuleeyay ayaynu ugu maamusaynnaa in uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland haddii Alle idmo.
Khadar Maxamed Faarax