Brassels (Hubaal)-Saraakiil sarsare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay inay Sanadkan tababar u soo xidheen 900 oo askari oo ka Tirsan ciidamada Dawladda Federal-ka Somaliya, isla Sanadkan gudihiisana ay gaadhsiin doonaan ilaa iyo 1400.
General ka tirsan Ciidamada Midowga Yuurb, gaar ahaan Kuwooda Tababarrada qaabilsan oo Lagu magacaabo General Masiimo, ayaa wargeys kasoo Baxa Dalka Talyaaniga u sheegay inay qorshahooda ku jirto inay Askar kun iyo Shan Boqol oo soomaali ah ku dhaw sanadkani intaanu dhamaan u tababari doonaan Dawladda Xasan sheikh si ay uga caawiyaan Hawlgalladeeda ka dhanka ah Kooxa Islaamiyiinta ah.
Sidoo kale Masiimo,waxa uu sheegay in ixtiraamka iyo tixgalinta hey’addaha dalka somaliya ay ku guuleyteen, laga bilaabo wasiirka difaaca iyo taliyayaasha ciidanka dowlada somaliya, isagoo sheegay in tani ay caawin doonto dhismaha ciidanka dowladda Dawladda Xasan sheikh ay haatan yabyabayso.
Bisha April ee sanadka 2015 ayuu sheegay in uu dhamaan doono tababarida ciidanka la doonayo in Somaliya loo tababaraa.
Midowga yurub ayaa dhanka kale taageerada dowlada somaliya xoojinaya iyagoo bixiya dhaqaalaha ugu badan oo lagu wiiqayo kooxaha budhcad badeeda somalida.