GUDDAHA KA AKHRI: Afartameeyo ka mid ah Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shirkoodii caadiga ahaa ku qabsanaya Hargeysa

0
19

Hargeysa(Hubaal) Wefti culus oo ka kooban Afartan Xubnood oo ka socda Ururka Goboleedka IGAD ayaa shalay ka soo degay madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, iyagoo kala ahaa laba Hormo oo kala watay laba diyaaradood.

IGADUrurka Goboleedka IGAD ayaan Xog rasmi ah laga haynin ujeedada Imaatinkooda, hase yeeshee sida ay Ilo wareedyo Muhiim ahi Farriinnews.com u sheegeen ayaa sheegaya in uu ay ku qabsanayaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa shirkoodii caadiga ahaa ee ay Urur Goboleedkaasi sameeyaan sanad kasta.

Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin imaanshaha Weftigan Urur Goboleedka IGAD, mana jiro qorshe ay ku leedahay Shirkan maadaama aanu Ururkan Aqoonsanayn Somaliland, hase yeeshee waxa sharaf iyo Maamuus leh inay ku qabsadaan shirkooda, maadaama shirka noocan oo kale ah ay ku qabsadaan dalalka ka tirsan Urukan.

Si rasmi ah looma oga mudada uu shirka Urur Goboleedka IGAD ka socon doono Hargeysa, laakiin waxa la filayaa in uu maalmo qaadan doono. Urur Goboleedka IGAD ayaa mashaariic dhinaca Horumarka ah ka fuliya Somaliland, gaar ahaan dhawr mashruuc oo uu ka mid yahay ka Dugsiga sare ee Sheekh ee Caafimaadka Xoolaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here