Hargeysa (Hubaal)- Ciidanka Laanta Socdaalka, ayaa si rasmi ah u bilaabay shalay bixinta baasaaboorka cusub ee elektarooniga ah oo ay dhowaan soo daabacday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Col. Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay inay si rasmi ah bixinta baasaaboorka cusub ee Somaliland u bilaabeen Axaddii shalay, kaas oo uu sheegay inuu beesha caalamka ka heli doono kalsooni aad uga weyn tii ay ku qabeen baasaaboorkii hore oo bixintiisa la joojinayo.
“Baasaaboorka cusub ee aannu bixintiisa bilownay maanta [shalay] oo dalal badan oo caalamka ah lagu tagi karo, waxaanan aad iyo aad ugu rajo weynahay inuu wax badan ka beddeli doono dhaqaalaha, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay adduunka.
Waxaan si weyn ugu mahad-celinayaa Wasaaradda Maaliyadda oo gacanta ugu weyn ka geystay sidii dalka Somaliland u yeelan lahaa baasaaboor casriya oo la mid ah kuwa waddamada horumaray ee dunida oo ah elektaroonig aan la been-abuuri karin,” ayuu yidhi Col. Cambaro.
Ugu dambayn, waxa uu rajo weyn ka muujiyey doorka baasaaboorka cusub ee bixintiisa la bilaabay shalay ka qaadan karo aqoonsi diblomaasiyadeed oo Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka.