GUDDAHA KA AKHRI: Boqor Burhaan Oo Badhan kaga Dhawaaqay Hadal ka Horimanaya Digniin Somaliland U jeedisay

0
42

Badhan (Hubaal)- Boqorka beelaha Daarood Burhaan Muuse oo socdaal ku jooga magaalada Badhan ee Somaliland, ayaa kulamo la qaatay wax-garadka, Aqoonyahanka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee magaaladaas, waxaanu halkaas kaga dhawaaqay tabarucaad uu ka geysan doono waddo laami ah oo loo sameeyo deegaankaas.
burhaan1Boqor Burhaan oo ah boqorka 34aad ee beelaha Daarood, fadhigiisuna yahay magaalada Qardho oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa dorraad socdaal ujeeddadiisa shaki laga muujiyey ku yimi magaalada Badhan, waxaana socdaalkiisa ka hadlay xukuumadda Somaliland oo soo dhowaysay isla markaana sheegtay inaanay madax-dhaqameedku lahayn xuduud celiya, balse waxa ay uga digtay in socdaalkiisa looga faa’idaystay arrimo siyaasadeed oo ka dhan Somaliland.
Haseyeeshee, Boqor Burhaan oo kulankiisii ugu horeeyey la yeeshay qaybaha bulshada ee kala duwan, ayaa sheegay in magaalada Badhan u baahan tahay waddo aanu sheegin meesha looga baahayahay inay ku xidhi doonto, waxaanu halkaas kaga dhawaaqay inuu shakhsi ahaan bixinayo tabarucaadka ugu horeeya ee dhismaha waddadaas, waxaanu uu dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay inay ka qayb-qaadato dhaqaalaha ku baxaya dhismaha waddada.
“Deegaankan waxa uu u baahan ee ugu horeeyaa waa waddo, waddadaas waa inaynu iska kaashanno, qaybta ugu horreysa anigu waan ku tabarucayaa Insha Allah, diyaar baanan u ahay.
Waxaan u soo jeedinayaa hay’adaha Caalamiga ah, maamullada, dawladda Federaalka ah, Shirkadaha Soomaaliyeed, Soomaalida dibadda iyo meel kasta oo ay joogto in laga qayb-qaato waddadaas,” sidaas ayuu yidhi Boqor Burhaan Muuse.
Gobolka Badhan ee Somaliland oo ka mid ah deegaannada ka arran adeegyada bulshada, gaar ahaan waddooyin, ayaa baaqa boqorku soo jeediyey u noqonaya mid ibo-fur u noqda waddo bulshada deegaankaasi iska kaashato oo gobolkaas ku xidha deegaannada kale, haseyeeshee hadalka boqorku baaqa uu ugu jeediyey dawladda Soomaaliya, ayaa ka hor-imanayaa digniin Xukuumadda Somaliland ugu jeedisay inaanu socdaalkiisa noqon yeelan weji siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay socdaalka Boqorka todobaadkan horaantiisii, ayaa ka digay weji siyaasadeed oo ka dhasha socdaalka Boqor Burhaan. “Boqorku waa boqor la yaqaan oo caan ah, wakhtigii la caleemo saaray waxa door ka qaatay oo halkan ka tagay madax-dhaqameed; salaadiin iyo boqorro reer Somaliland ah oo u soo tahniyadeeyey. Boqorrada malaha xuduud celisa, waxa kaliya oo reebban oo aanu ka digaynaa in dhaq-dhaqaaq siyaasadeed halkaas laga sameeyo oo aanu weji siyaasadeed ka dhicin oo waliba lagu wiiqayo oo dhibaato ku ah dawladda Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Xaaji Cadami oo ka mid ah Madaxda dawladda Somaliland ee deegaan ahaan u dhashay gobolka Badhan.

xigasho: Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here