Diwaangelintan cusubi maxaa damaanad ah inaan laga guurin, sidii kuwii hore looga guuray oo kale. Waa in la heli damaanad cad.
Waxay beryahan dambe dood culusi ka taagnayd diwaangelinta madaniga ah, taaso dad badani ka muujiyeen shaki fara badan. Hadaba halkan waxaynu ku soo ururin doonaa ciladaha ay leedahay diwaangelinta madaniga ah. Ujeedaduna waa in la saxo wixii cilad jirta.
- Goobaha diwaangelinta waa 200 oo goobood, halkay diwaangelintii hore ahayd 1,800 oo goobood. Waxaana la yidhi qofkii la diwaangelinaya ha la joogo caaqilkiisu si loo hubiyo inay sax tahay abtirsiintiisu. Hadaba 200 oo goobood sidee caaqliadu u wada joogi karaan.
- Dadka la diwaangelinayo qof kastaa wuxuu qaadanayaa inta u dhexaysa 4 miridh ilaa 6 miridh, waana wakhti badan marka la eego baaxada dadku leeyahay, xukuumaduna waxay tidhi muddo
3 bilood ah ayaa lagu dhamaynayaa diwaangelinta madaniga ah. Sidey is-qabanayaan labadaa wakhti. Halkaasi waxa ka muuqda cidhiidhi dhinaca wakhtiga ah.
- Server-ka lagu shaqaynayaa wuxuu ku xidhan yahay internert-ka. Markaa tuulooyinka aanu gaadhin internet-ku, wuxuu yahay qorshohoodu? Hadduu se internet-ku cuslaado amma go’o maxaa xal loo hayaa?
- Diwaangelintan cusubi maxaa damaanad ah inaan laga guurin, sidii kuwii hore looga guuray oo kale. Waa in la heli damaanad cad.
- Caaqilada haddii qof aan dalka u dhalanin lacag siiyaan oo uu ku daro beeshiisa, maxaa lagu xalin karaa?
- Wacyigelinta oo yar aw-geed, dad badani waxba kalama socdaan diwaangleinta. Marka laga reebo inay Tilifiishanada ka daawadaan amma idaacadaha ka dhegaystaan.
- Dadka qaarkii maalintii dhalashada, bisha iyo sannadkauba isku mid ayay noqon karaan taasi maxaa laga yeelayaa?
- Maxaa hor istaagaya haddii diwaangelintan laga soo dhexsaaro diwaangleinta codbixiyaha.
- Xubnaha guddiga farsamo ee ku shaqaynaya qalabka diwaangelintu waa reer Somaliland. Laakiin waa dad caynkee ah? Maxaa lagu yaqaanaa?. Waayo hawl culus oo Qaran ayay hayaan. Daacadnimadooda, kartidooda iyo aaminadooda waa in la qiimeeyo.
- Server-ka diwaagelinta lagu keydiyey xagee la dhigi doonaa? Si mustaqbalka loogu keydiyo. Mise sidii kuwii hore ayaa la waayi meel uu jaan iyo cidhib dhigay?
- Baarlamaanka kama yaalo wax xeer ahi, marka laga reebo xeerka ay gacanta ku hayaan oo weli qabyo ah. Waana la bilaabay iyadoo aanay ansax ahayn.
- Diwaangelinta codbixiyeyaasha waxa waajibiyay xeer 37/2007, waana xeer khuseeya codbixiyeyaasha oo keliya.
- Qorshihii ahaa in la bilaabo September dib u dhac ayaa ku yimid, oo wey dhamaatay bishii la bilaabi lahaa, in wakhtigii la kordhiyayna lama shaacin.
Qallinkii:Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.