“Mooshinku hadduu sharci yahay Goluhu Iman, laakiin waxaan leeyahay Ma didee Hargoolow ha igu tumin durbanada Madhan” Cirro
Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku eedeeyey in Gurigiisa laga soo Abaabulay Mooshinkii Maamus ka xayuubinta ahaa ee Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gollaha wakiiladu ku hanjabeen in maalinta Axada ah ay hordhigi doonaan Gollaha, Waxaanu si cad u sheegay in fidnadaasi laga soo abaabulay Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka.
Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in Xildhibaanadu sharci u leeyihin Maamus ka xayuubinta, balse ay tahay ayuu yidhi tan imika mid laga danbeeyo.
Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. “Anigu waan Maqnaayo markii eedahaasi Xildhibaanada Qaar ii soo jeedinayeen maan joogin, waxa kale oo aan saxaafada ka maqlayey ugu yaraan saddex jeer Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wasiiro in ay kula Shireen guriga madaxweyne ku-xigeenka xildhibaano, marka waxan isleeyahay eedahaasi la ii soo jeediyey waxa lagu soo warshadeeyey Guriga madaxweyne Ku-xigeenka. Eedahaasi ma ah Eedo Gollaha Wakiilada ka yimid oo uu leeyahay, Xildhibaanada Hadlay ee aad sheegayso ee aad leedahay waa Muxaafid iyo kuwa u jawaabayba waa Mudanayaashaydii Gollaha wakiilada, anigaa odey u ah golahana anigaa odey ka ah. golaha dhexdiisa wixii yaala ee isaga khuseeya gudihiisuu kaga wadda hadli doonaa haddii illaahay yidhaahdo, labbada golena waxay leeyihiin qaab sharci oo ay wax iskugu gudbiyaan arrimaha xeerarka xeerarkaasi uunbaa la raacayaa. wax dhibaato ah oo labbada golle dhex yaala ma jirto, intii aanan Bixina Guddoomiye Saleebaan waanu is aragnay waxaanuna ku wadda shaqeyn doonaa Sharciga.”Ayuu yidhi
Guddoomiye Cirro oo la waydiiyey maadaama ay xidhibaanadu xaq u leeyihiin in maamus ka xayuubin lagu sameeyo sababta uu ku diidan yahay waxanu kaga jawaabay “Xil ka qaadistu haddii ay soo marto dariiq sharci ah waa arrin iska caadi ah, qof walbana sharcigaa ka sareeya ama aniga aan noqdo ama qof kaleba, marka haddii ay dariiq sax ah soo marto dariiqeedaa la marin doonaa, laakiin xagga sugaanta kuma wanaagsaniye waxan odhan lahaa “Madidee hargoolow haygu tumin durbaanada iyo daasadaha madhan”Ayuu yidhi.