Leeds (Hubaal)- Nin rayid ah, ayaa gacanta ula tagay Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr. David Cameron shalay, kaasoo tukhaan-tukhiyey, halisna geliyey ammaankiisa, waxaannu falkaasi dood adag iyo muran dhinaca ammaanka ah ka dhaliyey waddanka Boqortooyada Britain.
Sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay, nin shicib ah, da’diisana lagu qiyaasay ilaa 28 jir, ayaa gacanta la gaadhay Ra’iisal-wasaare Cameron oo ka baxay shir uu ku lahaa magaalada Leeds, isagoo ninkaasi ku guulaystay inuu taabto ra’iisal-wasaaraha dhinaca dambena u tukhaantukhiyo, balse ilaaladiisa ayaa isku duubay ninka rayidka ah oo dhulka dhigay, kadibna loo gacan-geliyey ciidanka booliska.
“Nin ayaa u dhawaaday Ra’iisal-wasaaraha, kadib markii uu dariiqa kaga horyimi, wuuna riixay oo dhinaca dambe ayuu gacantiisa ugu tukhaantukhiyey, waxana ku soo cararay ilaalada ra’iisal-wasaaraha oo ninka qabtay. Dhulka ayey ku dhufteen, wayna jiifiyeen, iyagoo sida duqsiga ugu ururay mar qudha, laakiin wax dhib ah ma gaadhin Ra’iisal-wasaaraha oo socodkiisii ayuu iska sii watay, wuxuuna gaadhay halkii baabuurkiisu u yaallay, waana la qaaday, ninkiina waa la xidhay.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge saxaafadda la hadlay.
Xildhibaanno Baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan oo ku mid yahay mudane la yidhaa Mr. Mark Pritchard, ayaa falkaasi cambaareeyey, isagoo tibaaxay in ammaanka Ra’iisal-wasaaruhu halis galay, waxaannu ku baaqay in baadhitaan lagu sameeyo sababta sahashay in qof rayid ah gacantiisa ula tago David Cameron.
“Ciidanka booliska ee u gaarka ah ilaalinta Ra’iisal-wasaaruhu waa kuwa ugu fiican sugidda ammniga masuuliyiinta ee adduunka oo dhan. Marka ay sidaas tahay, falkan ku dhacay Ra’iisal-wasaaruhu waa arrin cad in amnigiisa la jabiyey, waana in baadhitaan lagu sameeyo.”
“Iyadoo xilligan lagu jiro heegankii ugu sarreeyey ee lagaga feejigan yahay in falal argagixiso dhacaan, maaha wax suurtogal ah in sidan oo kale gacanta loola gaadho ra’iisal-wasaaraha, waxaanna haboon in si qoto dheer arrinta loo baadho, si looga faa’iidaysto, mustaqbalkana aanay tan oo kale u dhicin,” ayuu yidhi xildhibaan Mark Pritchard.
Sarkaal hore uga tirsanaa ilaalada boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabo Steve Park, ayaa dhaliilay qaabka ay u dhaqmeen kooxda ku shaqada lahayn ammaanka Ra’iisal-wasaaraha, taasina sababtay in qof rayid ah halisgeliyo naftiisa, waxaannu yidhi; “Kooxda ilaalada ahayd waxay isha ku hayeen ra’iisal-wasaaraha halka ay ka ahayd inay la socdaan dhaqdhaqaada hareerihiisa ka jira si ay uga hortagaan haddii cid isku daydo inay waxyeelo u gaystayo, taasina waa khatar dhacday, horena aan inoo soo marin.”
Ciimmada booliska ee magaalada Leeds, ayaa xidhay ninka rayidka ah ee gacanta ula tagay ra’iisal-wasaaraha, balse markii muddo saacado ah la hayey, lana baadhay ayaa la amray in la sii daayo, iyadoo arrintaasna lagu sababeeyey in aannu ugu talogelin inuu waxyeelo u gaysto ra’iisal-wasaaraha, balse ujeeddadiisu ahayn in gacantiisu taababto masuulka u taliyay xukuumadda Ingiriiska.
Jamhuuriya