Dacar-budhuq(Hubaal) Dooxa Dacar-budhuq ayaa galabta qaaday gaadhi ay wateen laba nin oo walaalo ah oo la yidhaahdo Ilma Xuseen Turub.
Gaadhiga ay wateen labadan nin ayaa Dooxu qaaday kadib markii ay ku soo hagaageen isaga oo socda, waxaanay wararka hordhaca ahi sheegayaan in mid ka mid ah la badbaadiyey, halka kii kale illaa hada la la’yahay.
Labada nin ay midkood ka yimi Dalka Kanada, halka ka kale-na ka yimi Dalka Sucuudi Arabiya, waxaanay ku safrayeen jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera.
Gurmad ka baxay Hargeysa ayaa ku sii jeeda goobta shilku ka dhacay si ay qayb uga noqdaan baadi goobka Ninka maqan.
Roobab Xoogan ayaa Somaliland oo dhan ka da’aya, waxaana socda badi dooxyada isku xidha magaalooyinka, kuwaas oo khatar badani Xiligan oo kale kala soo daristo dadka socotada ah.
Dooxyada isku xidha Somaliland ayaa ah kuwo dhulka jiifa, waxaanay sababaan in ay qaadaan marka ay gaadiidku dhex galaan Biyaha.