Guddaha Ka Akhri Falanqaynta Qormo Uu Wargeyska Ogaal Ciwaan Uga Dhigay “Qaracanka Sicir Bararka Ganacsiga Shidaalka Iyo Shuraakadda Qawlaysatada Musuqa”

0
31

Falanqaynta Ogaal   Qaybta 1aad

Yaa Maamula Haamaha Kaydka Shidaalka?

Siddee loo maamulaa Lacagta Ka soo baxda?

Bishii waa intee xaddiga lacagta soo gasha maamulka haamaha?

 fadeexad

Mugga qaadista haamaha shidaalka guud ahaan, marka aan la eegin, xilligii nidaamkii Soomaaliya ee M.S.Barre, xaddiga shidaalka kaydka Berbera iman jiray qiyaastii wuxuu gaadhayay, 54kun oo mitirik ton. Haatana waxa lagu qiyaasaa ilaa 32kun oo mitirik ton..Sabab kasta oo keliftayba, shidaalka dalka la keenaa, maaha mid tayadiisu sarayso.Siday Ogaal u sheegeen khubaro arrimahaa u dhuun daloollaana, waxa laga soo iibsadaa saylado aan toos ahayn. Qiimo ahaan iyo tayo ahaan waa mid is waafaqsan oo nasilan. Hase yeeshee markuu kadinka Berbera soo galo, waxa la tilmaamaa in wax waliba is bedelaan. Kiradda haamaha, cashuurta kastamka iyo takaaliifta adeega ee laga qaado, waxa raaca lacago kale oo fuula litir kasta.

Red Sea, Hass, Sombet iyo shirkado kale ayaa keena shidaalka. Sadex ka mid ah shirkadaha shidaalka keena, waxa la sheegayaa inay saamiyo waawayn ku leeyihiin qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda. Markaa taasi maxay ka dhignaanaysaa?, kaba dhig sida la sheegayo in runtu tahay, in foostada shidaalka ahi ku timaado haamaha 50 dollar, waxay iswaydiintu tahay maxay kaga baxdaa?. Siday tibaaxeen xoggo wargeyska Ogaal ka soo xigtay dadka u dhuun dalloola ganacsiga shidaalku, waxay foostada batroolka ahi kaga soo baxdaa hadda qiyaastii 150 dollar, muddo aan sii fogayna waxay kaga bixi jirtay 170dollar iyo wax sii dheer. Kaalmaha shidaalkuna waxay halkii litir ku iibiyaan hal doolar, taasina waxay ka dhigaysaa foostadii 200dollar.

Marka la eego nidaamka cashuuraha caalamiga ah, bucshurada ganacsi ee dal soo gasha waxa la cashuuraa marka shixnadu isa soo taagto haabada, shidaal ha noqoto ama wax kaleba ha ahaatee. Laakiin Somaliland waxay xoguhu rumaynayaan inay is barbar socdaan mid kaa waafaqsan iyo mid khilaafsan. Shixnadaha ganacsi eek a soo dega dekedda waxa la cashuuraa marka markabka sidaa yimaado.Waxa cashuurta bixiya ganacsadihii lahaa, hase yeeshee shidaalku wuu ka duwan yahay.Siday tibaaxeen xogo wargeyska Ogaal helay, markabka shidaalka sidaa markuu yimaado, halkaa laguma cashuuro xaddiga shidaalka uu sido. Waxa la sheegay in toos looga shubo, lana cashuuro maalinba xaddiga shidaalka ah ee haamaha ka baxaya ee ay ka iibiyaan kaalmaha shidaalka dalka. Tusaale ahaan, haddii 30 booyadood maanta shidaal ka soo qaadaan haamaha, sodonkaasi inta litir ee ay qaadaan ayaa tacriifadda cashuurta laga qaadaa. Sidaa darteed habkani wuxuu tusmaynayaa in cidda cashuurta shidaalkii soo degay laga qaadaa ay tahay, kaalmaha shidaalka halkii ay ka ahayd in laga qaado ganacsadihii soo dejiyaha ahaa. Falanqayntan kuma cadda sidda wax looga qaado shirkadaha shidaalka soo dejiya oo haatan la ogaaday inay badi saamilay ka yihiin wasiiro xukuumaddani ka tirsani.

Xogaha falanqayntani ka duulaysaa waxay qiyaasayaan, in bishii shidaalka haamaha ka soo baxaa uu mar kasta kordhayo, sidaa aawadeed aan qaadano qiyaasta haatan oo cagacagaynaysa ilaa 14 kun oo MQ, halkii mitirik kiyuubikna waa shan foosto. Shidaalkaa bishii ka soo baxa haamaha qiyaastii 10kun oo MQ waa naafto, 4 kun oo MQ waa batrool. Halkii foosto ee Gass oil(naafto) ah qiyaastii waxa hore looga qaadi jiray 13.172 doolar oo isugu jira cashuurta Kastamka iyo lacagta adeega iyo kiradda haamaha. Hase ahaatee waxa la sheegay in lagu kordhiyay foostadiiba 2.5 doolar. Sidoo kale foostada batroolka ee ka baxaysa haamaha waxa hore looga qaadi jiray lacag qiyaasteeda lagu sheegay 15.843 doolar, balse sida naaftada oo kale waxa la sheegay in dhawaan lagu kordhiyay batroolkana 2.5 doolar foostadiiba. Sidaa daraadeed, marka laga duulo qiyaastan dambe, lacagta laga qaado foostada naaftada ahi waxay noqonaysaa 15.672 doolar. Foostada batroolka ahina marka laysu geeyo qiimahaa hore iyo kordhinta lacagta laga qaadaa hadda waxay noqonaysaa 18.343 doolar.

Dhinac kale markaan eegno, lacagta foostada naaftada ah laga qaado, imisaa cashuur ah oo kastamka u xerooda, imisaa se gacanta maamulka haamaha ku dhaca?. Inkastoo xogaha wargeyska Ogaal ka shidaal qaadanayaa tibaaxayaan, in cashuurtu ka tar tahay lacagta adeega haamaha, haddana, aan badino oo laba u qaybino. Marka sidaa laga dhigo foostada naaftada ah waxa cashuur ahaan kastamku uga qaadaa, 7.836 doolar, maamulka haamuhuna intaa in le,eg . Foostada batroolka ahina waxay noqonaysaa sidaas oo kale.Maamulka haamaha oo hela 9.1715 doolar, kastamkuna intaas oo kale.

Hadaba, marka sidaa xaalku yahay, aan dhinac kale jaleecno. Bishii waxa la qiyaasayaa inay haamaha ka soo baxdo 10 kun oo MQ oo naafto ah iyo 4 kun oo MQ oo batrool ah. 1MQ waa 5 foosto, sidaa aawadeed, 10kun oo MQ oo naafto ahi waxay noqonayaan 50kun oo foosto oo naafto ah. 4kun oo MQ marka lagu dhufto shanna, waxay noqonaysaa 20kun oo foosto oo batrool ah. Aan iswaydiino hadaba, 50kun oo foosto oo naafto ah waa imisa lacagta maamulka haamaha ka soo gashaa?. Konton kun oo wuxuu noqonayaa, 391, 800(sadex boqol iyo kow iyo sagaashan kun iyo siddeed boqol) oo doolarka maraykanka ah. batroolka oo bishii 20kun oo foosto lagu qiyaasana, marka lagu dhufto foostadii 9.1715 doolar, waxa bishii ka soo hoyda 183,430(boqol iyo sadex iyo sideetan kun iyo afar boqol iyo sodon) doolarka maraykanka ah. marka laysku daro lacagta naaftada iyo batroolka ka soo hoyata bishiina waxay wadartu noqonaysaa 575,230(shan boqol iyo shan iyo todobaatan kun, laba boqol iyo sodon) doolarka maraykanka ah. Taasina waxay ka dhigan tahay in maamulka haamaha ay bishii soo gasho lacagta xaddigaa lihi. Sidoo kale waxay ka dhigan tahay, intaa in le,egina inay bishii cashuur ahaan ugu xerooto kastamka.

Cashuurta kastamka oo khasnada dhexe ku xeroota mooyee, lacagaha kale sida adeega iyo kiradda haamaha waxay toos u gashaa gacanta maamulka haamaha. Lacagtaa waxa la laga bixiyaa mushaharka shaqaalaha oo la sheegay inuu markii hore ahaa dhawr iyo labaatan, balse haatan lixdameeyo aan kala caddayn tirsiimadooda la marinayo iyo kharashka yaryar ee xafiisyadda maamulka. Intaa ka sokow, waxay is waydiintu tahay sidee loo maamulaa lacagtaa?, yaa maamula?, dhinaca horumarinta maxaa laga qabtay haamaha?, maxaa la soo kordhiyay? Iyo qaar kale oo la mid ah….. la soco…..

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here