Boorama (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa tiriyey dhaliilo uu sheegay inay leedahay xukuumadda KULMIEYE ee talada haysa, kuwaas oo wax-ka-qabashadooda uu ku ladhay barmaamujka siyaasadeed ee xisbigiisa.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyey xaflad magaalada Boorama loogu sameeyey siyaasiyiin iyo taageeraal ku biiray xisbiga UCID oo ka digo-rogtay xisbal-xaakimka KULMIYE maanta, ayaa sheegay in adeegyada aasaasiga u ah bulshadu aad u liitaan, heerka qabyaaladdu maraysaana si wayn kor ugu kacay, sidaa dardeedna qorshayaasha siyaasadeed ee xisbigiisa ka mid yihiin wax-ka-qabashada arrimahaas.
“Waad ogtihiin adeegyadii aasaasiga ah dawladdu waxba ma qabato. Biyaha, laydhka, tacliinta, caafimaadka dhammaantood waa lacag. Annaga qorshahayagu waxa uu yahay intaba in aannu gacanta dawladda ku soo celinno. Maanta reerkii lacag haysta ayuun bay carruurtoodu jaamacad gali karaysaa, laakiin kii qoyskii faqiirka ahaa ilmihiisii dugsi yar oo la yidhi waa kii dawladda oo inta carruurta 9:00 albaabka lagu xidho uu macallinku dugsi gaar loo leeyahay iska tago ay ku xaraysnaadaan ilaa 12:00ka. Waxaannu jecelnahay in aannu dugsiyada dawladda tayeynno, ka dugsiga gaarka ah furayna aannu ku xidhno shuruudo adag, in aannu badinno dugsiyada farsamada gacanta. Waxaannu doonaynnaa in aannu 15% miisaaniyadda qaranka galinno tacliinta, 15% kale caafimaadka. Waxa kaloo aannu xoogga saari doonnaa horumarinta reer miyiga oo aan laga soo cararin miyiga ee aynu xoolaheenna lacagaynno,” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay baadhitaan lagu sameeyo qaabka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu u bixiyaan fursadaha shaqo iyo qandaraasyada soo baxa oo uu xusay inuu madaxweynaha kula taliyey, “Waxaynnu u baahannahay inaynu helno hoggaan fiican. Maanta waxa jira qabyaaladdii oo ay wadaan madaxdu, ilaa madaxdu hagaagtana qabyaalad laga bixi maayo. Maalin dhawayd, Madaxweynaha waxaan u soo jeediyey in la sameeyo guddi madaxbannaan oo baadha sida wasaaraduhu u qoraan shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaaluhu u bixiso iyo sida qandaraasyada loo bixiyo.”
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal waxa uu shacabka reer Boorama ka codsaday in ay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada, maadaama ay hore uga hiiliyeen, “Waynu nwada guntanaynaa oo xumaanta idin taabatay meelkasta way taallaa ee idiin gaar m aaha (reer Awdal). Aniga iyo Daahir Rayaale laba guddoomiye ayaannu ahayn oo berigii codbixinta waad iga siiseen, wuxuuse i dheeraa xaaskiisa oo iyaduna ahayd reer Boorama ee halkaas ayuu igaga helay, laakiin doorkan waa UCID oo dhaxalkeeda annagaa leh ee intii hore aad i siiseen noogu dara codkii UDUB ee Rayaale, markaa annagaa 80% helayna isha Allaahu,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga UCID.