Gabaygan waxa uu la magac baxay Gorof-leged. waxaanu ku hal qabsanayaa Abwaan Weedhsame. waa gabay wacyi gelin ah oo ka hadlaaya wacyiga nololeed ee maanta ka jira dalka Somaliland. Ma aha mid ka hadlaaya xaalada siyaasiga ah oo kaliya laakiin waa mid koobaaya indho-indhayn guud oo waaqiciga nololeed ee bulshada uu la hadlayaa ku sugantayn isla markaana kama xishoonayo inuu wax ka taataabto dhinaca Siyaasada. Kelmada Gorof-leged waa xubin ku taal bawdada geela waana halka hashu marka la lisayo ku dhufato hadhuubka ee caanuhuna sidaas ku daataan hadaan laga ilaalin. Waa tusaale ku fiican in loo cuskado dawlad looga baqaayo inay guulii shacbiga iyadu khasaariso.
Ga’da maanso geeraar beryahan waan ka gaabsadaye
Waa tii aan Gunaanaday tixaha Gogol dhigoodiiye
Hadba aniga oo Gooyaybaa la Gujinayaaye
Isagoon afkayguna i gabin gabayna ii baaqan
Ayuun bay Gab-dhihi leeyihiin Gole ka Sii Daaye
Ana Duulka Kama Gaagaxoo Wow godlanayaaye
Googooski Suugaanta iyo Gabaygi Ceebowe
Go’doon buu abwaankeenu yahay dhaqana kaa guuryee
Eray Gara adoo sheegay bay Qaar Gediyayaane,
Gef la’aan adoo tiriyaybay kaa guracayaan.
Garaadkaa ka hadal Dawladaa shooki kugu gayne
Ma Gabyeen hadaan Weedhsamoow gelin shinkiisiiye.
Sidii roob Gufaaciyo dabayl galowgu dhiilooday
Oo gurada weedhkii gilgilay yacayga soo gooyay
Aan gorfeeyo caaway tixuhu Gumaro Leeyiine.
Galdaloolo kuu muuqatoo gurada kuu taala
Oo in aad gufaysiyo ku wacan gacan in loo gaysto
Gurmadkeeda lama baajiyee Garo abaartayda
Oo sii giraangiri murtidu way gun dheer tahaye
Afartaa Gedii aan bartiyo Gabay dhextaalkii dhe
Arar gibin ah Gogolxaadh murti ah Gole Ka Sheegeed dhe
Gooli baadhka suugaanta wacan Garangarteedii dhe
Waa Guubaabo Luuqduye u godol gobo’da suugaanta ”
Hadduu Geelu Geed-Waaqis cuno ama Gamboor daaqo
Galoolkiyo Sarmaantiyo haduu Gaydhahaba diido
Geed saarka laaca leh haduu goosan kari waayo
Madheedhkiyo haduu Geedsankii qoorta kala Giigo.
Garanwaa haduu qaayibiyo Gocondho hoos taala
Ama Gumarta iyo Jiica cuno tiin Godxamo yeeshay
Gafuuradu haday calal noqdaan Gowsihiyo feenku
malaa Geeli baan Geel ahayn kii aan Garanaayay,
Ama geedsan kuu daaqi jiray waa la dabar Gooyay
Gudmaa loola tegay kaymuhuu Gooni ku ahaa
Gomoshaagi iyo waa la shiday Gob iyo caynkeede
Girgiray dul taal kaymuhuu guran ogaa waayo,
Markii Inamadii Geela Jiray Dadarta Loo Geeyay
Ee Gaafaniyo Faraska iyo Jebisku soo gaadhay
Garaabaysigii Bay Nirgihii Gebi Marqaamayn
Garan waa Hashiisii Bureeq uu Godli lahaa
Duboo Goray-ba Goortii La yidhi Qaadiruu Gamay.
malahay Gayigibaan nin lihi Galabta xaalaynin
Gocashada ma yeedhaankuyidhi lama Garwaaqsiisna
Garaabiidadadiisaa Xujiyo Godob Inoo taal ah
oo Aakhiraa Goob Xun Meel Layna Gole joogin.
Gayigiyo Dhirtiisiyo dadkiyo Guunyadiyo Daaqa
Gaajada Ku Taal Xoolihiyo Xaalufkiyo Goonka
Geeskeenu Siduu Maanta yahay ma idin Guud Joojay.
–
Gobanimana waa lagu gefoo waa la gaasiraye
Gobaad iyo ninkii dhiqi yiqiin kala Go’ weeyaane
Gurigeed ba’ tii lagu Goblamay laysu Gacan dhaafye
Gormogo’an cidla ah Goon buslay Gii ka leedahaye
Go’doonbay ku tahay Geeri go’an Gegi bacaad wayne
Candhadeeda Godolkii ku yiil wuu ka Gaagaxaye
Gujo dhaadhigaa waxa ku Riday Gucuradaadiiye.
>
Guuraha habeenimo raggii Gaajadiyo oonka
Gelin iyo Darxumo kuu galee kugu Gargaaraayay
Geedkaad istaagtoba Ragii Gumuca kuu haystay
Guclo orodka Gaadmada mirta ah Guuro bahalaynta
Garnaylka iyo miinaduu dhex Galay Goysay lugahooda
Ee Qaar daraadaa Galbaday Aakhiro u Guuray
Ragii Gobo’da dhiiga ah u huray Gurista Raadkaaga,
Een aan Gasiin kaa dhadhamin Godolna kaa dhiijin
Welibana Gef iyo Quudhsi ba’an Gibilka loo saaray
Ee Gabood falada aanay Geyin weliba loo Gaystay
Garowshiinyo li’i quus la diray Geeska lagu jiiday,
>
Iyo qaar markaad Goolmanayn Galabtii kaa dhoofay
Golcastiyo qaniinkiyo intuu Gaajo Kugu reebay
Ku Gaasiray hadana Guul rag kale Gaawaha u haysta.
Gofanaha kuwaa kugu noqdee Ganacu waynaaday
Midba wuxuu galiinsaday adaan gudin abaalkoode
Allay lehe Shacbigi wuu Goblamay Tiraba Dhawr Goor,
>
Hadiise Gorrofkii Haaneed-Miskeed Gedihii Loo Diiday
Mar hadduu Gurboodkiyo ku qaday kii Gardaadsaday-ba
Oon loo Gudboonaan karayn Galacda xoorkeeda
Oo Gudoonka aan loo Sinayn Guurti iyo shaybe
Ama beelo Gaariyo Qabiil lagu Gunayaayo
Gobanimada Magaceed bayeey Waa Galfoof madhan
Gabno weeye aan Deeqi Karin guud ahaan wadar.
> Mhatma Ghandi
Garsoorkiyo cadligu waa dukaan xeerka gadayaaye
Waa goodhi ruux leeyahiyo ganacsi shaydaane
Waa goob Dulmigu Gaaxdayoo lagu Gabraartaa
Go’aanada maxkamaduhu Ridaan Guri cas weeyaan
Ganacsigu xorma ahoo dadbaa gaar u maamula
Geyigeena soor laba Ganacsadaa keena gebigeeba
Iyagaa gasiin waxad cuntaba gooya sixirkoode
Gadbad oo jimlada kii dejaa Gada Tafaariiqda
Gambo qudhana ruux kale ma helo Gini macaashaaye
Iyagaana Gaadiidka lehoo guraya saabaanka
Garab rarad xamaalina ma helo gelina yoomkiisa
Isgaadhsiintii waa taa gayaxan la isna gelin waaye
Garan waaye xeer haga garsoor talo u jaan goy
Guryii Qaranka goobii shacbiga iyo dantii guudna
Gelin horaa la kala iibsadoo laysku gacan qaadaye
Garoomadii isboortigu galbade iyo Gidaarkiiba.
Godka Jidadka goofkiyo dayaca dhagaxa Gawdiida
Gaadiidkii wuu socon la yahay Gebi ahaantiiye
Cashuuraa la gurayana wadada kuma Gufaynaaye
Golayaashii Qarankaa burburay Gebi ahaantoode
Gacanta iyo jeebkaa xukuma badi go’aankoode
Hadba giniga kii haystabaa geliya tiisuune
Shacbiguna waxay gocanayeen waa la gees maraye
Galdalooladoodaa ka badan waxay gufeeyaan
Afartaa Bal aan Soo Gunto’e Ga’ iyo wow reeban
Gooli-baadhka Suugaanta Wacan Gogol dhigeedii dhe
Garaafkeedu Waa Suganyahee Gabay Kelaan Sheegay.
Sidii Goodir Jiilaal Sinbidhay Ganay Saliixeeyay
Gudcur dama Habeenkoo badh go’a Gama’ii loo diiday
oo Gafuurka Sare’u taagayoo wada Galiilyooday
Intuu Goor xun Faashaday Ogoo Miriq Ku Gaylaatay
Guhaan iima sheegee bal aan Gees Kalena Eego.
Wada-hadalkan Xamar lala galee gees u socon waayay
Ee la isu gaalgaalayee gaambi soconaayay
Een Cidi Guntiisiyo runtana aad u garanaynin
Ee gogosha loo dhigay cidlada iyo Gabaahiirta
Ee aan garsoor dhexe lahayn Guurti kala saarta
Een dawladii kala Gurayn una gar qaadaynin
Ee kii dhibtaba Gaystayee Godobta loo haystay
Isagii Gudoonshaha ka yahay talada goynaayay
Garnaqsigan muducigii lahaa waayay garowshiiyo
Waftiyadan is garab yaacayee tuban garoonkeena
Sii gooshka soo gooshka badan gego is taagtaaga
Waxaan gumaro sii ridan lahayn hadal ku gowsiinta
Ee kaarbet baa lay gogliyo Guri Cad Baan Seexday
Iyo Gaadhibaan fuulay madow geliya raadyowga
Galad Qaran intaa Moodayee Tay isugu giijay
Iyagaaba Gaajooyin Qaba Guuldariyo Ceebe
Sidii Shacabku ugu Guuxi Kari Baa i Geli wayday.
Gacmo hoorsi foolgabax leh yaa ina gayaysiiyay
Gooni isutaageeni iyo guushii qarankeena
Gorgortan iyo dood yaa badee Goob xun ina taagay
Gowliilka ceebta leh maxaa looga guban waayay?
Walow Gabay uu iga dhan yahay Gulucda doodiisu
oo Hadalku Gabagabadii yahay Gawna Iga joogo
Aan Ku Daro Gar Waa loo Islaam Ina San Goorowe
RRU Gestaabiyo Bilays kolanyo Gaadiid ah
Koofiyad Cas Giirgiiran oo Qori Ku Gaashaaman
Guul Wade Basaas iyo Sir Doon Guda Habeen oo Dhan
Guutooyin Qalabaysan oo gaar u amar Qaata
oo Gaalo Soo Tababartoo Gooni Wax u siiso
Ujeedada anoon Gacaliyoow aad u garanaynin
Argagixiso Gees kama ridaan Guluf Colaadeede
Gurbood iyo Islaan Gama’san oo Jiifta Gurigeeda
oo aan Cid wax u gaysanbay Gumuc ku tuujaane
Guri Sida Saq-dhexe Loogu Dhaco Gorayo Khaakhlaynta
Iyo Geediyow waxay Yaqaan Gelelefayn Baase
Garnaylkoodu wuxu Dili yaqaan Hooyo aan Geyine
Galab qudhana Meel la isku Galay Goob la diriraayo
oo Goroda Cadow La isku Daray Dhiigu Go’bo leeyo
Gurujoogyadaa Looma dirin Ganaca waawayne
Garan Celin Rasaastiyo waxani Koofiyado Gaadhan
Horta Loogu Gelinaayo baan aad u Garan waayay.
Waana Guul darada aan arko e Gabay kelaan Sheegay.
Saxaafadi waxay guranayaan gob iyo dhaameel
Qadaadiic yar oo loo guntaa lagu gumaystaa
Gal daloolo kii qora saq dhexe waa la gelayaa
Qaarna kilinkilayo godad masbay qoorta geliyeen
Waa lagu gabraartaa xaqana uma gargaaraan
Dulmay Gibisha saaraan runtay kala garoocdaane
Musuq maasuqay Garab galaan ina Gabooboow
Gondo raaca beenta ahna waa lagu gumoobaa
Saxafina fartaasaan ku goday, oo xil gudan waa
Gabiilay Heshiiskii Gar Adag Guul Kamay Heline
Gaadiid qaadka waa tay baxsheen Geedigii Hore e
Guunyadooda waa kuwii huree Geela Soo Tubaya
Markii Guushi La haleelayee Awrtii Lagu Guuray
Gacan-saarku Been inuu Ahaa Goorxun la Ogaaye
Cid-luu Muuse Goobyaalayaa Cadhona waa Gow e
Markii Xaajadii la isla Galay la isku garan waayay
Saleebaan Inuu Soo Gurmado waa Gedaan Wadaye
Durba Golahii Guurtida warkii Looga Gibix Siiye
Gudi Jaaba-jaaba Raguu Guray Habeenkaaba
Lagu Sheeg Garsoor Dhexa Hadana Goodiyaa Jira e
Inaan Gacanta La is Qaadi Karin Go’aha ya u sheega.