GUDDAHA KA AKHRI: Golaha Wakiillada oo la Isugu Yeedhay Kal-fadhi aan Caadi ahayn oo Ajandihiisu Yahay Laba Qodob

0
27

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kal-fadhi aan caadi ahayn isugu yeedhay mudanayaasha golaha wakiillada, kaasoo furmi doona Sabtida toddobaadka dambe ee taariikhdu tahay 25 October 2014.

Kal-fadhigii 25aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhammaaday 30 September 2014, kuwaasoo galay fasax lix toddobaad ah oo ay kaga nasanayaan hawlaha ay qaranka wakiilka uga yihiin, balse, qoraal wargelin ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro 18 October 2014, ayaa mudanayaasha wakiillada lagaga dalbaday inay isugu yimaadaan kal-fadhi aan caadi ahayn.
golaha
“Waxa Golaha Wakiillada la isugu yeedhayaa kal-fadhi aan caadi ahayn (oo ajandihiisu yahay laba qodob) oo kala ah;

1. Si loo ansixiyo Guddida cusub ee Doorashooyinka Qaranka
2.Si Wasiirka Wasaaradda Maaliyadu golaha wakiillada uga horjeediyo khudbada miisaaniyadda qaranka ee 205.

Kal-fadhiga aan caadiga ahayn waxa uu soconayaa laba maalmood oo kala ah 25 iyo 26 October 2014 (maalmaha Sabtida iyo Axadda),” ayuu guddoomiye Cirro ku yidhi qoraalkiisa wargelinta ah ee la isugu yeedhay mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here