GUDDAHA KA AKHRI: Golaha Wakiillada Oo Maanta Meel Mariyey Xeerka Xabsiyada Somaliland

0
40

Hargaysa(Hubaal):- Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Waxaa Ay Maanta Cod Aqlabiyad Leh Ku Meel Mariyeen Xeerka Xabsiyada Somaliland.

Xeerkan Ayaa Ay Golaha Wakiiladu Hor U Ansixiyeen Balse Mudanayaasha Golaha Guurtida Ayaa Waxaa AY Ku Soo Sameeyeen Kaabis Iyo Wax Ka Bedel.

Inta Badan Xeerkan Ay Maanta Mudanaashu Ansixiyeen Isla Markaana Lagu Sameeyey Kaabista Iyo Wax  Ka Bedelka Ayaa Waxaa Uu  Hoos U Dhigayaa  Awooda Maamul Ee Wasiirka Cadaaladu Ku Leeyahay Xabsiyada Somaliland  Waxana  Taas Bedelkeeda Uu Awooda Buuxda Siinayaa Taliyaha Ciidanka  Iyo Taliyaha Xabsiga  Uu Ku Xidhan Yahay Maxbuusku.

Waxaana Fadhigii Saaka  Ee Golaha Wakiilada Shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Oo Ay Hareero Fadhiyaan Labadiisa Gudoomiye Ku Xigeen.

Waxaa Ka Mid Ahaa Qodabadii Wax Ka Bedelka Ay Ku Soo Sameeyeen  Mudanaysha Golaha Guurtidu  Kuwan.

 golaha wakiilada

  1. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .(Wasiirka Cadaalada Ayaa Magacaabaya Gudiyada Iyo Kormeerayaasha Sii Deenta Shuruudeysan) .

  1. Waxaa Loo Bedelay

Taliyaha Ciidanka Ayaa Magacaabaya Gudiyada Iyo Kormeerayaasha Sii Deenta Shuruudeysan .

  1. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .

Yadoo Oo aan Laga Hor Imaneen Nuxurka  Qodobka 144  Ee   Xeerka Ciqabta Guud  Cafiska Iyo Samaxaada Waxaa Si faah Faahsan Loogu Nidaamin Doona Xeer nidaamiyaha Xeerkan

  1. Waxaa Loo Bedelay Cafiska Iyo Samaxaada Waaa Iska Leh Madaxweynaha Somaliland

  1. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .

Hadii Qod Maxbuus Ah Oo Bilaa Ehel AHi Ku Dhinto Jeelka Waxaa Aasaya Ciidanka Xabsi

  1. Waxaa Loo Bedelay

Hadii Qod Maxbuus Ah Oo Bilaa Ehel AHi Ku Dhinto Jeelka Waxaa Aasaya Ciidanka Xabsiga Ka Dib Markay  Helan Warqada Xeer  Ilaaliyaha Guud.

Fadhiga Ay Mudanaayshu Ku Meel Mariyeen Xeerkan Ayaa Waxaa Ka Soo Xaadiray  47 Mudane .

Waxaa Ogalaaday  Xeerkan   42 Mudane  Waxana Diiday  1  Mudane Halka  4 Mudane Ka Aamuseen  Gudoomiyuhuna Muu Codeyn Sidaasna Waxaa Ku Meel Maray Xeerka Xabsiyada Somaliland .

Si Kastaba Ha Ahtee Xeerkan AY Maanta Ansixiyeen Golaha Wakiiladu Ayaa Waxaa Uu Ahaa Mid Baahi Weyn Loo Qabay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here