GUDDAHA KA AKHRI: Guddida Anshax Marinta Kubedda Kollayga Somaliland Oo Anshax Marisay Laba Ciyaartoy Oo Ka Tirsan Xulka Gobolka Hawd

0
91

gudida-ansha-marinta

Hargeysa (Hubaal) Guddida Anshaxa ee Ciyaaraha Kubadda Kolleyga Somaliland ayaa amar anshax marin kusoo rogtay laba Ciyaartoy oo ka tirsan xulka Gobolka Hawd oo ku kacay falal anshax xumo ah, kulankii ay Xulka Gobolka Awdal iyo Hawd kuwada yeesheen garoonka Timocadde, ciyaar kamid ahayd tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socda Hargeysa. nuqul ka mid ah wareegtada ay soo saartay guddidani oo Hubaal soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

KU: Maamulka ciyaaraha ee Gobolka HAWD

KU: Gudida Garsoorka X.K.K

OG: Xidhiidhka Kubada Kolayga

OG: Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha

 UJEEDO: ANSHAX MARIN CIYAARTOY

Tixraac warqada ku taariikhaysan 05/11/2016 ayna soo gudbiyeen gudiga garsoorka kubada kolayga Somaliland,  kana hadlaysay fal-lidi ku aha Anshaxa Ciyaaraha oo ay ku kaceen labada ciyaartoy ee magacyadoodu kala yihiin :-

  1. Wacays Daa’uud (wacays dhaqan)
  2. Khaaid Maxamed (khaalid banbo)

Una ciyaara xulka Gobolka Hawd ee Kubada Kolayga, falkaas oo  ahaa gacan ka hadal ay u geysteen Garsoorihii dhex-dhexaadinaayay kulankii  ciyaareed ee dhex-maray HAWD iyo AWDAL  kadib,  markii ay ciyaartu dhamaatay.

 Sidaas Awgeed,  markay gudida anshaxu  arkeen falka ay gaysteen labadaa ciyaartoy waxay go’aamiyeen:-

  1. In la ganaaxay oo laga joojiyay dhamaan ciyaaraha u hadhay kooxdooda labadaa ciyaartoy ee kor ku xusan inta uu tartanka ciyaaraha Goboladu socdo
  1. In ay kooxdu bixiso ganaax dhan 1000,000/shilin (hal milyan oo somliland shilin ah) kaas oo laga doonayo in ay bixiyaan 24-saac ka hor kulankooda saddexaad
  1. In hadii ay la yimaadaan fal noocaas oo kale ah, laga joojin doono ciyaaraha Gobolada muddo Laba Sanno ah.

GUDIDA ANSHAXA IYO DACWADAHA

Ø  Axmed Cismaan Diiriye (Gudoomiye)

Ø  Maxamuud Xadi Axmed (Gudoomiye xigeen)

Ø  C/risaaq C/raxman C/laahi (Xoghayn)

Ø  Mukhtaar aw Xasan (Xubin)

Ø  Amiin Cali Nuur ( Xubin)

ALLAA-MAHAD-LEH

gudida-anshax-marinta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here