GUDDAHA KA AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo oo Xadgudub Qaran ku Tilmaamay Dilka iyo Dhaawaca Lagula Kaco Ciidammada Qalabka Sida

0
31

Madaxweynaha oo amray in si degdeg ah sharciga loogu fuliyo askariga toogashada ku dilay taliyihii booliska degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in ciidammada qalabka sidaa huwan yihiin haybadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteedna cid kastoo waxyeello u geysataana tahay dembiile ku xadgudbay sharafta qarannimada ay huwan yihiin.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland xalay, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo amray in si degdeg ah sharciga loogu fuliyo askariga toogashada ku dilay taliyihii booliska ee degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay Allaah ha u naxariistee marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) shalay.

Silanyo-iyo-taliyayaasha“Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidammada qalabka sidaa u taagan yihiin sharafta iyo haybadda qaranka, cid kasta oo dhaawac ama dil u geysataana ku xadgudbayso sharafta qaranka ee uu huwanaa. Waxa uu intaa ku daray in askariga dilkaas geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo askariga gacan-dhiiglaha ah ee falka toogashada ah ku dilay taliyihii booliska degmada Arabsiyo shalay.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday toogasho uu u geystay askari ka mid ah ciidammada uu xukumayey ee Saldhigga Arabsiyo, iyadoo gacanta lagu dhigay gacan-ku-dhiiglah falkaas geystay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” ayuu lagu yidhi dhambaal tacsi ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay qoraalkiisa amarka xambaarsan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here