Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xeer madaxweyne ku magacaabay laba degmo oo ka kala tirsanaan doona gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex. Sidaana waxa lagu sheegay warsaacafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka aqalka madaxtooyada JSL, Xuseen Deyr oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Hubaal, isla markaasina u dhignaa Sidan;
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaamadaasi;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Deegaamada Dacarta iyo Xeego loo magacaabo Degmooyin cusub;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
- In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
- In uu Xeego u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL